4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2022
Maamulka Hirshabbeelle oo sheegay in dano siyaasadeed loo haysto kursiga Fahad Yaasiin

Khamiis, April, 14, 2022 (HOL) - Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay. sharci darrana ay tahay hakinta lagu sameeyay Kursiga HOP086 ee uu ku guulaystay Fahad Yaasiin, kaas oo deegaan doorashadiisu ay tahay Hirshabeelle.

Hirshabeelle waxay caddeysay in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacydii doorashooyinka oo sax ah, goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka, wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursigaas iyo murashaxiintii ku tartantay.

Hirshabeelle waxay ka digtay tallaabooyin ay sheegeen in gudiga FEIT ku xagal daacinayo dhameystirka doorashooyinka dalka. Waxayna caddeeyeen in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac qaldan ah balse loo heysto dano siyaasadeed.

“Waxaa caddeyn u ah in gudiga FEIT uu caawa fasaxay kuraastii lala hakiyay iyadoo aysan jirin wax habraac qaldan ah oo lasaxay, arintuna ay tahay anigaa qabsaday anigaana fasaxay tasoo muujineeyso kutakrifal awoodeed,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka Hirshabeelle.

Hirshabeelle waxay ugu baaqday  Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga tirsigiisu yahay HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada.

Hadalka Hirshabeelle ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta loo madlan yahay in la dhaariyo xildhibaannada labada aqal ee barlamaanka, iyadoo guddigu doorashadu xalay sii daayay labo kursi oo koonfur Galbeed taalay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online