4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 9 , 2021
Wasiirkii hore ee amniga Xukuumadda Rooble oo ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay
 

Khamiis, September, 9, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa ka hadlay xilka qaadistii uu ku sameeyay Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xasan Xundubeey oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in xilka qaadistiisa ay tahay mid sharci darro ah oo uu sheegay inuu Raysal wasaaraha ku doonayo inuu dalka galiyo xaalad qalalaase ah.

" Aniga iyo Raysal wasaare Rooble waxaan isku ogayn, oo aan isku dhaarsanay in dalka dhibaatada laga saaro, waxaana ka mid ahaa wasiirada sida gaarka ah ula shaqeeyay Raysal wasaare Rooble, lama joogo xilli la is qabqabsado oo xil la iska qaado, waxaa dalku uu galayaa doorasho, waana in laga wada shaqeeyaa arrimahaas” ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga Xasan Xundubeey Jimcaale.

Waxuu sidoo kale sheegay in been abuur tahay wararka sheegaya inuu isaga dalbaday in xilka laga qaado, islamarkaana sifo sharci aanan aheyn loo maray xilka qaadista lagu sameeyay.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in xilka qaadista uu Raysal wasaare Rooble uu ku sameeyay Xasan Xundubeey uu kasoo horjeestay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taasoo basiin kusii shubtay xiisada ka dhaxeeysay Farmaajo iyo Rooble oo markii hore ka bilaabatay xilka qaadistii taliyahii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]