3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 15, 2021
Hay'ada Caymiska Somaliland oo ka jawaabtay in caymiskii baabuurta la joojiyay
 

Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Hay'adaha Caymiska Somaliland Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa beeniyay eedaha sheegaya in caymiskii baabuurta la joojiyay kadib markii qaar kamid ah baabuurlaydu ay cabasho muujiyeen.

Bukhaari ayaa sheegay in ay hore ula heshiiyeen baabuurlayda mudo kahor isla markaana inta wixii ka danbeeyay ay ku jireen hirgalinta caymiska baabuurta.

"Sida cad 24 bishii 7aad ayaanu go'aanka soo saarnay bulshadu way ogayd, waanu u sababaynay, way ku qanceen, wixi ka danbeeyay waxaanu wadnay siduu u bilaabmi lahaa, waxa Alxamdulilaahi  ah in maanta uu ka bilaabmay caymiskii Dekedda Berbera gaadiidka kasoo dagaya iyo gadiidka galaya labadaba" ayuu yidhi Bukhaari.

Bukhaari ayaa intaa ku daray in baabuurlayda qaarkeed ay shalayba qaateen caymiska isla markaana maantana ay qaar kale u diyaar yihiin.

"Shalay gaadiid ayaa qaatay caymiska maantana diyaar ayay u ahaayeen, waxa jiray warar war xumo tashiil ah, ama warar aan xaqiiqo ahayn, oo markii shaqada in la bilaabo la doonayay Dekedda Berbera ku faafay, oo ah in howshi caymiska la joojiyay, waxaanu u sheegayna bulshada go'aankaa wax badalay ma jiro" ayuu yidhi Bukhaari.

Xukuumada Somaliland ayaa maanta bilowday hirgalinta caymiska baabuurta xamuulka ah iyo baabuurta kasoo dagaysa Dekedda Berbera oo ay horay u sheegtay in maanta oo ah 15 September la waajibin doono.



Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
9/15/2021 3:16 PM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw soo gabagaboobay doorashada kursi ka mid ahaa sideeda kursi ee Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadiisa tahay Hirshabeelle, waxaana kuso baxay doorashada kursiga Dr Cismaan Maxamuud Dufle.

9/15/2021 2:02 PM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqda aadanaha Xukumaadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa ku eedeysay madaxweynaha Koonfur Galbeed in kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee kala dhaxeysa ay ku ekaan waysay labadood oo uu u gudbay dhanka qoyskeeda.

9/15/2021 9:36 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa Taliyaha hay’adda Nabad sugidda ee gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanlle Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac).

9/15/2021 9:18 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka ee ICG, ayaa soo saartay warbixin ay walaac xooggan kaga muujinayso xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble.

9/15/2021 8:30 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha guddiga maamulka doorashada gobolada waqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen ayaa ka codsaday Raysalwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee JFS Cabdi Xaashi Cabdilahi inay soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.

9/15/2021 8:21 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann.

9/15/2021 7:41 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee ka dhex taagan madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

9/15/2021 2:33 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Baarlamaanka Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

9/15/2021 1:30 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan askar iyo dad rayid ah ayaa ku geeriyooday tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu xalay isku qarxiyay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taal degmada Wadajir ee Muqdisho.

9/15/2021 1:16 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Bangiga Adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobci doono 2.4 boqolkiiba sannadkan 2021-ka sida uu ku sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray.