3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 15, 2021
Ugu yaraan 11 qof oo ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo shalay galabtii ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan askar iyo dad rayid ah ayaa ku geeriyooday tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu shalay galabtii isku qarxiyay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taal degmada Wadajir ee Muqdisho.

Daadir Xasan, oo ah sarkaal ka tirsan booliska caasimadda Muqdisho, ayaa warbaahinta u sheegay in qofka ismiidaamiyay uu bartilmaameedsaday goob shaah laga cabo oo mashquul badan oo ku dhow xerada tababarka ciidamada ee jeneral Dhega badan oo ah goob amnigeeda aad loo ilaaliyo

Dhowr qof oo u badan dad rayid ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa ismiidaaminta waxaana loola cararay isbitaallada si loo daweeyo.

Xerada tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan ayaa ku taal meel boqolaal talaabo u jirta halkii uu ismiidaamiyuhu isku qarxiyay, waxaana goobta joogay ciidamo aad u fara badan sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan ismiidaaminta ah ee shalay galab ka dhacay Muqdisho, iyagoo sheegay inay ku dileen 11 askari iyo dhaawaca 16 kale.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay weerarkaan, wuxuuna ku tilmaamay fal waxashnimo ah oo muujinaya sida Al-Shabaab ay ugu ooman yihiin dhiigga shacabka Soomaaliyeed, sida uu sheegay raysal wasaaraha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online

 












Click here
9/15/2021 3:16 PM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw soo gabagaboobay doorashada kursi ka mid ahaa sideeda kursi ee Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadiisa tahay Hirshabeelle, waxaana kuso baxay doorashada kursiga Dr Cismaan Maxamuud Dufle.

9/15/2021 2:02 PM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqda aadanaha Xukumaadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa ku eedeysay madaxweynaha Koonfur Galbeed in kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee kala dhaxeysa ay ku ekaan waysay labadood oo uu u gudbay dhanka qoyskeeda.

9/15/2021 12:50 PM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Hay'adaha Caymiska Somaliland Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa beeniyay eedaha sheegaya in caymiskii baabuurta la joojiyay kadib markii qaar kamid ah baabuurlaydu ay cabasho muujiyeen.

9/15/2021 9:36 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa Taliyaha hay’adda Nabad sugidda ee gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanlle Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac).

9/15/2021 9:18 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka ee ICG, ayaa soo saartay warbixin ay walaac xooggan kaga muujinayso xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble.

9/15/2021 8:30 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha guddiga maamulka doorashada gobolada waqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen ayaa ka codsaday Raysalwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee JFS Cabdi Xaashi Cabdilahi inay soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.

9/15/2021 8:21 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann.

9/15/2021 7:41 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee ka dhex taagan madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

9/15/2021 2:33 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Baarlamaanka Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

9/15/2021 1:16 AM EST
Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Bangiga Adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobci doono 2.4 boqolkiiba sannadkan 2021-ka sida uu ku sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray.