4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 14, 2021
Faahfaahin hordhac oo laga helayo qarax ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo aanan ilaa hadda la xaqiijin nooca uu yahay ayaa la sheegay inuu ka dhacay inta u dhaxeysa Bar koontarool oo taala afaafka hore ee xerada Xalane iyo xerada Jenaraal Gordon.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay fadhiyeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney qaraxa ku dhinteen laba ruux tiro kalana ay ku dhaawacmeen, islamarkaana aanan lakala garan karin inuu qaraxa ahaa miino dhulka lagu aasay iyo inuu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Lasoco wararkan wixii kusoo kordha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]