10/23/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 14, 2021
Doorashada kuraasta Aqalka sare oo maanta ka bilaabaneysa magaalada Jowhar iyo Amaanka oo si weyn loo adkeeyay
 

Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu wadaa maanta oo talaado in si rasmi ah magaalada Jowhar ay uga bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya dowlad goboleedka Hirshabeelle.

27 Musharax ayaa u taagan iney ku tartamaan 8 kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka sare kuwaas oo shalay Baarlamaanka Hirshabeelle ka hor jeediyay khudbadahooda Musharaxnimo oo ay kusoo bandhigayeen mid walba waxyaabaha uu qaban doono hadii ay guuleeysto.

Qaar ka mid ah sideeda kursi ee lagu tartami doono waxaa ka mid ah kuraas doorashadoodu xiiso gaar ah leh oo ay ku wada tartami doonaan Musharaxiin dooneysa iney soo laabtaan iyo kuwa cusub oo dadaal badan ugu jira sidey usoo bixi lahayeen.

Musharaxiinta ku tartami doona sideeda kursi ee doorashadooda maanta iyo berito ay ka dhaceyso magaalada Jowhar ayaa tiradooda aad u badan tahay marka loo fiiriyo doorashooyinkii ka qabsoomay maamul goboleedyada kale ee dalka,

Magacyada 27 Musharax ee Maanta iyo Beri Tartami doono ayaa kala ah.

1. Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullahi Sheekh Xasan, Axmed Xasan Cadow Daaci, Dr. Xasan Cadaay Cali

2. Maxamed Amiiin Sheekh Cusmaan, Daaha Muhudiin Sheekh Daa’uud, Axmed Maxamed Cal (Afcadeey), Yussuf Macallin Xasan (Filla-Dheere)

3. Maxamed Axmed Nuur (Tarsan), Raage Xasan Cusmaan (Xuut), Dr. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle)

4. Prof. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun, Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)

5. Call Shacbaan Ibraahim, C/Qaadir Xanafi Sheekth Bashir, Cabdullahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar

6. Cabdalle Cabdi Xuseen, Xasan lidow Muxumed Kobac, Cusmaan Axmed Macow, Cabdinuur Ibraahim Nuur

7. Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama, Sacdlya Yarrow Aadan

8. Nacimo Ibraahim Yuusuf, Zamzam Cabdullahi
Xuseen, Maxamed Macallin Xasan Kulmiye, Abuukar Xasan Call  Maqaneey

Doorashadaan maanta ka bilaabaneysa magaalada Jowhar ayaa waxaa goobjoogayaal ka ah xubno ka tirsan guddiyada doorashada heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed kuwaas oo dhankooda sheegay in doorashadaan ay tahay mid si cadaalad ah lagu soo xulay si cadaalad ahna ku dhici doonto, waxaana sidoo kale maanta laga dareemaya Jowhar amaanka oo si weyn loo adkeeynayo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/14/2021 3:25 PM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Wajigii koowaad ee doorashada xildhibaanada aqalka sare ku matalaya maamulka Hirshabeelle, ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo caawa la doortay saddexdii senator ee ugu horreeyay.

9/14/2021 2:36 PM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war uu caawa soo saaray kaga digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil.

9/14/2021 1:56 PM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Jowhar lagu soo gabagabeeyay doorashada kursigii ugu horeeyay ee kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadiisu tahay Hirshabeelle.

9/14/2021 12:52 PM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

9/14/2021 10:06 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

9/14/2021 9:48 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay baraha bulshada si aad ah u dhex wareegaayay qoraalo lagu sheegayo inuu xanuunsan yahay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa wararkaasi goordhaw beenisay dowlada Jabuuti.

9/14/2021 7:48 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Maryan Cabdi Xuseen oo ah haweenay kasoo jeeda Soomaaliya ayaa taariikh cusub sameysay, kadib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka mid noqda baarlamaanka dalka Norway.

9/14/2021 7:06 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Isutaga Bulshada Rayidka Soomaliyeed ayaa waxay sheegeen in ay aad uga xunyihiin isafgarad la’aanta madaxda dalka ee la xiriirta khilaafka awoodaha sharciga dawladadeed ee soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.

9/14/2021 3:04 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa Isniintii ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan Xoghayaha Golaha Wasiirrada Arrimaha Gudaha (CS) Dr. Fred Matiang'i iyo taliyaha Guud ee Booliiska Hillary Mutyambai haddii aysan si cad u sharraxin afduubka loo geystay Aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

9/14/2021 2:57 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in hanjabaadaha argigixiso ee ka imaanaya wadamada Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq gaar ahaan ISIS- ay ka khatar badan yihiin kuwa laga yaabo inay ka soo baxaan dalka Afgaanistaan.

9/14/2021 1:53 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa ku gacan seyrtay guddi baaritaan oo uu xalay u magacaabay madaxweyne Farmaajo kiiska Marxuumad Ikraan Tahliil ee horay khilaafka culus uga dhex abuuray Farmaajo iyo Rooble.