3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 13, 2021
Somaliland : Caashabadhi la dhoofinayay oo lagu qabtay madaarka Hargaysa
 

Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay 200 oo xabo oo xayawaanka xamaaratada ah ee caasha badhida oo nin u dhashay dalka Masar uu doonayay in uu si sharci daro ah dibada ugu dhoofiyo.

Sarkaal u hadlay ciidanka booliiska ayaa sheegay in eedeysanaha lagu qabtay xayawaankan xamaaratada ah gacanta lagu dhigay xili uu maanta galinkii danbe ka dhoofinayay madaarka Cigaal ee magaalada Hargaysa.

"Waxaanu dadwaynaha ku wargalinaynaa in galabta garoonka diyaaradaha ee Hargaysa lagu qabtay, nin Masaari ah oo sitay shamdad buuxda oo xayawaanka xamaratada ah ee caashabadhida, taaso tiradeeda lagu qiyaasay ilaa 200 oo uu si qarsoodi ah dalka uga dhoofinayay" ayuu  yidhi sarkaalku.

Sarkaalka booliska ayaa sheegay in eedaysanihii xabsiga loo taxaabay, isla markaana ay danbi wayn tahay qofkii lagu qabto isagoo dhoofinaya nooc kamida xayawaanka duur-joog ta ah ee Somaliland.

Ciidanka ilaalada Madaarka Cigaal ee magaalada Hargaysa ayaa marar hore sidaan oo kale u qabtay noocyo kamida xamaaratada Somaliland oo si sharci daro ah dibada loogu dhoofinayay.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
9/13/2021 12:46 PM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi qaran oo baaritaan ku sameeynaya kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

9/13/2021 10:32 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wasiirka Maaliyada Soomaaliya Guddoomiyaha Bangiga dhexe Xisaabiyaha guud ee dalka.

9/13/2021 8:16 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wasiirrada arrimaha dibadda ee jaamacadda Carabta ayaa ku oggolaaday, kalfadhigoodii 156 -aad ee caadiga ahaa ee Qaahira inay taageerayaan doorashooyinka Soomaaliya dhaqaale & farsamo ahaan.

9/13/2021 7:42 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe uga bilaawday Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle

9/13/2021 7:36 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wada hadaladii u socday madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ayaa istaagay kadib markii habeen hore lagu guulaysan waayay in heshiis laga gaaro arrimaha la isku hayo.

9/13/2021 2:25 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlaayay dardargelinta qabashada doorashada Aqalka ee goboladda Waqooyi la qaatay Raysal wasaare ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi.

9/13/2021 1:57 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Ku xigeenka xogayaha guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Mohamed oo shalay soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixisay kulamo kala duwan oo ay la qaatay madaxda dalka, sida Farmaajo, Raysal wasaare Rooble iyo madaxda golaha wadatashiga qaranka, inkastoo aysan faahfaahin dheeraad ah aysan ka bixin kulankii ay la qaadatay Farmaajo.

9/13/2021 1:38 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in Somaliland ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo caalamka ku yaala.