10/20/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 13, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo guddi u magacaabay baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax
 

Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi qaran oo baaritaan ku sameeynaya kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay guddi uu guddoomiye u yahay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ku xigeena uu ka yahay Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa u magacaabay Guddi Qaran oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida" ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Soomaaliya.

Magacaabista guddigan uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ayaa waxay imaaneysa xili isla kiiskan uu guddiga baaritaanka u magaacabay ay isaga iyo Raysal wasaarahiisa isku khilaafeen, lamana oga waxa xiligaan kusoo dhaliyay in madaxweyne Farmaajo uu magacaabo guddigan sameynaya baaritaanka qaran ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/13/2021 2:56 PM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay 200 oo xabo oo xayawaanka xamaaratada ah ee caasha badhida oo nin u dhashay dalka Masar uu doonayay in uu si sharci daro ah dibada ugu dhoofiyo.

9/13/2021 10:32 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wasiirka Maaliyada Soomaaliya Guddoomiyaha Bangiga dhexe Xisaabiyaha guud ee dalka.

9/13/2021 8:16 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wasiirrada arrimaha dibadda ee jaamacadda Carabta ayaa ku oggolaaday, kalfadhigoodii 156 -aad ee caadiga ahaa ee Qaahira inay taageerayaan doorashooyinka Soomaaliya dhaqaale & farsamo ahaan.

9/13/2021 7:42 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe uga bilaawday Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Baarlamaanka Aqalka sare ee Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle

9/13/2021 7:36 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wada hadaladii u socday madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ayaa istaagay kadib markii habeen hore lagu guulaysan waayay in heshiis laga gaaro arrimaha la isku hayo.

9/13/2021 2:25 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlaayay dardargelinta qabashada doorashada Aqalka ee goboladda Waqooyi la qaatay Raysal wasaare ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi.

9/13/2021 1:57 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Ku xigeenka xogayaha guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Mohamed oo shalay soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixisay kulamo kala duwan oo ay la qaatay madaxda dalka, sida Farmaajo, Raysal wasaare Rooble iyo madaxda golaha wadatashiga qaranka, inkastoo aysan faahfaahin dheeraad ah aysan ka bixin kulankii ay la qaadatay Farmaajo.

9/13/2021 1:38 AM EST
Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in Somaliland ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo caalamka ku yaala.