4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 13, 2021
Wada hadaladii u socday madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble oo is taagay
 

Isniin, September, 13, 2021 (HOL) - Wada hadaladii u socday madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ayaa istaagay kadib markii habeen hore lagu guulaysan waayay in heshiis laga gaaro arrimaha la isku hayo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Lagtareen oo kamid ahaa dhexdhexaadiyaasha ku howlanaa xallinta khilaafka madaxda sare ee dalka, ayaa dib ugu laabtay Koonfur galbeed.

Waxay u muuqataa in madaxdu ka tanaasuli waayeen qaar kamid ah qodobadii la isku qabtay, iyadoo habeen hore lagu kala dareeray kulankii ugu horeeyay ee fool ka fool ahaa.

Hase yeeshee, qaar kamid ah guddiyada dhex dhexaadiyaasha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dib la isugusoo laaban doono, wada hadalkuna ku dhamaan doono meel wanaagsan.

Raysal  wasaare Rooble oo shalay la hadlayay beesha caalamka ayaa wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan uu dalka ku jiro.

Rooble wuxuu sheegay inuu ku howlan yahay la tashiyo, si khilaafka jira lagu xalliyo wada hadal iyo si waafaqsan kala qaybsanaanta awoodaha Dastuuriga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online