3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 12, 2021
Madaxweyne Biixi "Marwalba diyaar ayaynu u nahay in aynu caawino Soomaaliya"
 

Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay xaflada qalinjabinta Jaamacadda Camuud, ayaa sheegay in hadii dowlada Soomaaliya ay ogolaan lahayd jiritaanka Somaliland, ay Somaliland caawimo ka gaysan lahayd dhibaatooyinka ka dhaca Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalidu tahay walaalaha ugu xiga ee reer Somaliland leeyihiin, isla markaana Somaliland ay caawimo ka gaysatay dhibaatooyin badan oo Soomaaliya ka dhacay, isla markaana Somaliland diyaar u tahay in ay siiwado caawimada lakin maamulka la kala leeyahay.

"Maanta isku sheegi mayno waxa Geeska Afrika ka dhacay, dad Soomaali baynu iskugu xignaayo waa walaalaheen, wanaagooda ayaynu jecelnahay, dhibaatada gaadhaa waa dhibaato walalka gaadhay, inagoon dhaqaale haynin markasta oo masiibo dabiici ahi ku timaado Soomaaliya mucaawimo ayaynu iska goyna inagoo eegayna waxaynu isku nahay" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

"Marwalba diyaar ayaynu u nahay in aynu ku caawino wixii aynu ku tari karno, lakiin waxan leeyahay talada waala kala leeyahay, tana dhisantay hadii aad nala dhisi lahaydeen in ay wanaagsaato oo aad qaska kadayn lahaydeen adna waxbay ku tari lahayd anaguna intan in kabadan ayaanu qaadi lahayn"  ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay  xaflada qalinjabinta dufcadii 20aad ee ka baxda Jaamacadda Camuud oo tiradoodu dhantahay 995.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]
















Click here
9/12/2021 2:22 PM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlayay maanta kulanka Gollaha Wadatashiga Qaran iyo Ku Xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, xilli uu dalku ku jiro marxalad doorasho.

9/12/2021 10:29 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo aay hoggaamineysay ku xigeenka Xogayaha guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Mohamed.

9/12/2021 8:20 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab ay saacadahii lasoo dhaafay la wareegeen deegaano ka tirsan goboladaasi kadib howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab oo ay ka sameeyeen deegaanadaasi

9/12/2021 8:03 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubay Jimcaale ayaa sheegay inuu khamiista soo socota oo ku beegan 16 september uu soo bandhigidoono waxyaabaha ay isku qabteen isaga iyo raysal wasaare Rooble.

9/12/2021 7:40 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Marwo Aamina Jane Maxamed.

9/12/2021 7:34 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Xogeeyaha arrimaha gudaha ee xisbiga Waddani, Maxammed Faarax Cabdi, ayaa sheegay in xisbigiisu uu wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ka doonayo warbixin dhamaystiran oo ku sababsan sababta ka danbaysta dilalka ka dhacay magaalada Laascaanood.

9/12/2021 7:27 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar cusub oo ku socda wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

9/12/2021 6:42 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Imtaxanaadka shahaadiga ah ee Somaliland guud ahaan isku darka dugsiyada sare iyo hoose dhexe, waxa u fadhiistay, 32,757 arday, waxa gudbay 31,645 arday, halka ay dhaceen 1,112 arday.

9/12/2021 2:45 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Muwaadin Soomaali ah ayaa xalay shan qof ku dhaawacay weerar tooreey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Rimini, oo ka tirsan gobolka Emilia-Romagna ee dalka Talyaaniga, sida ay qortay jariirada Corriere di Bologna.

9/12/2021 2:21 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Proff Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo warbaahinta kula hadashay Nairobi, ayaa ku eedeysay raysal wasaare Rooble inuu ka dambeeyo xarriga seygeeda oo magaalada Nairobi lagu xiray.

9/12/2021 1:20 AM EST
Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Shirkii lagu dhexdhexaadinaayay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble ayaa saacado badan kadib Xalay waqti dambe kusoo idlaaday natiijo la'aan.