3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 10, 2021
Cirro oo ku dhawaaqay in uu markale u taaganyahay jagada guddoomiyaha xisbiga Waddani
 

Jimco, September, 10, 2021 (HOL) -  Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland  ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in uu markale u tar tamayo jagada guddoomiyaha xisbiga, doorashada qabsoomi doonta shirwaynaha xisbiga ee la qaban doono 30-31 October.

Qoraal uu maanta oo Jimce ah bogiisa Facebook ku baahiyay ayuu guddoomiyuhu ku shaaciyay in uu markale u taaganyahay doorashada guddoomiyaha xisbiga Waddani oo uu soo hayay tan iyo markii la as aasay xisbigaas 9 sano kahor.

"Waxa aan maanta oo Jimce ah si rasmi ah u iclaaminayaa in aan ahay Murashax u taagan Jagada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo aan ka dhex tartami doono Shirweynaha Xisbiga oo qabsoomi doona 30-31 Oktoobar 2021. Guul" ayuu Cirro ku yidhi qoraalka uu soo galiyay bogiisa Facebook.

Sanadihii u danbayay ayaa waxa la hadal hayay in guddoomiye Cirro uu jagada guddoomiyaha xisbigaas wareejin doono, isagoo Cirro laftarkiisu uu muddo 4 sano kahor ah sheegay in uu xilka guddoomiyaha xisbiga ku wareejin doono hogaamiyaha kumeel gaadh ka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde.

Ilaa iyo hada ma jirto cid kale oo shaaca ka qaaday doonista jagada guddoomiye ee xisbiga Waddani, waxaase suurto gal ah in ay soo baaxan siyaasiyiin kale oo rajo ka qaba jagada guddoomiyaha xisbiga in aan la gaadhin dhamaadka October.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/10/2021 12:16 PM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Kulan degdeg oo ay maanta isugu yimaadeen golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha, waxay ku dhawaaqeen in ay si buuxda u garab istaagan yihiin raysal wasaare Rooble.

9/10/2021 12:06 PM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee maxkamadda Sare ee dalka, Abukaate Caydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay in raysal wasaare rooble uu sharciyan ku saxan yahay magacaabida iyo dhaarinta xubinta kamid ah golihiisa wasiiradda.

9/10/2021 10:34 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud ee xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Ibraahin Axmed Raabi, ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani in anay si buuxda u aaminsanayn qadiyada madaxbannaanida Somaliland.

9/10/2021 6:53 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Heshiis Horudhac ah ayaa laga gaaray dagaal muddooyinkii dambe Maleyshiyo beeleed ku dhex marayay deegaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

9/10/2021 4:27 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Puntland ayaa soo bandhigtay qaar katirsan dagaalamayaashii Alshabaab ee weeraray xabsiga magaalada Boosaaso iyo qaar kamid ah maxaabiistii Alshabab ee lasoo qabtay markii ay xabsiga ka fakadeen.

9/10/2021 2:19 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Gaalacyo ku sugan, ayaa ku guddoonsiiyay abaalmarino Ciidamadii iyo Masuuliyiintii kale ee ka qayb qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug.

9/10/2021 1:41 AM EST
Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa Muqdisho u tagay sidii ay waan waan uga dhex bilaabi lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble oo khilaafkoodu meel adag uu gaaray.