4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 10, 2021
Heshiis horudhac ah oo laga gaaray colaadii deegaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan
 

Jimco, September, 10, 2021 (HOL) - Heshiis Horudhac ah ayaa laga gaaray dagaal muddooyinkii dambe Maleyshiyo beeleed ku dhex marayay deegaanka Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Odayaasha beesha Xawaadle, ayaa sheegay  in ay aqbaleen baaq nabadeed oo uu soo saaray  Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo ah in meelaha shaqaaqooyinka ka dhaceen lagu wareejiyo ciiddamada milatariga iyo booliiska.

“Annagoo ah odayaasha beesha Xawaadle, waxaan diyaar u nahay nabad. Wax allaale wixii dhacay gogasha uu Ugaasku fidiyay ayaa looga wada hadli doonaa,” ayay yiraahdeen odayaasha Xawaadle.

Waxay odayaasha Xawaadle sidoo kale sheegeen in deegaanka Kabxanley ay ku wareegtay gacanta ciiddamada amniga, waxayna sheegeen in laga saaray maleyshiyaadka tuulada qabsaday.

Kabxanleey waa tuulo ka tirsan gobolka hiiraan waxaay magaalada Baladwayne ka jirtaa dhinaca waqooyi galbeed waxayna u dhowdahay xadka Itoobiya.

Boqolaal qoys ayaa dagaaladii ka dhacay halkaas uga barakacay, sidoo kale guryo badan oo dad shacab ah lahaayeen ayaa colaada awgeed dab loo qabad siiyay.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online