3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 9 , 2021
Koonfur Galbeed oo shaacisay iney diyaarado kusoo qaadayaan dadkii Somaliland soo masaafurisay
 

Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday iney wadaan qorshe ay diyaarado ugu soo qaadayaan dadkii dhawaan Somaliland kasoo masaafurisay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Guddiga uu dhawaan magacaabay madaxweyne Laftagareen oo shalay Gaalkacyo gaaray ayaa sheegay iney qorsheeyeen goobo gaar ah in la isugu geeyo dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee laga soo dhex saaray hantidoodii, islamarkaana diyaarado ay ku geyn doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa garab weydiisatay Wakiilo ka socda hay'addo hoostaga Qaramada Midoobay, si ay uga gacan geystaan howlaha gurmadka dadkan lasoo masaafuriyay iyo waliba ka warqabka xaaladooda nololeed.

Sadaxdii bishan Oktoobar ayay aheyd markii Somaliland ay si qasab ah kaga soo masaafuriyay magaalada Laascaanood dad shacab ahaa oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo aan wax fursad ah loo siinin iney la baxaan hantidii ay halkaasi ku haysteen.

Maamulka Koofur Galbeed oo uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaasi ayaa si cad u sheegay iney ka go'an tahay garab istaaga iyo wax u qabashada dadka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ee sida qasabka ah looga soo masaafuriyay Somaliland ee haatan ku sugan deegaano ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/9/2021 9:17 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa siyaasiyiinta reer Muqdisho ku eedeeyay in raafka Laascaanood ay ka dhigteen barnaamij ay kursiga ku gaadhaan, waxaanu sheegay in dadkii 1960 iyo kahor Somaliland dagaana kaliya ay muwaadiniin yihiin.

10/9/2021 8:58 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Maamulka koonfur galbeed ayaa maanta Gaalkacyo ka qaaday 78 qof oo ka kooban 21 qoys, kuwaas oo kamid ahaa dadkii lagasoo barakaciyay magaalada Laascaanood.

10/9/2021 7:50 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta xariga ka jaray wado laami ah oo isku xirta Isgoyska Baar Ubax iyo Warshada Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho.

10/9/2021 6:39 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad u magacawday safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

10/9/2021 6:30 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, tarxiilka ay xukuumada Somaliland gobolka Sool kaga saaraysa dadka aan u dhalan Somaliland.

10/9/2021 6:09 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya Kornayl Thomas Sarrouf iyo sarakiil kale.

10/9/2021 4:27 AM EST
Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Saraakiisha ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ee ka howlgala deegaanada maamulka Koofur Galbeed ayaa soo bandhigay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay.