3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 8 , 2021
Guddi uu madaxweynaha Koonfur galbeed u xilsaaray dadka lagasoo barakaciyay Laascaanood oo gaaray Gaalkacyo


Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur galbeed, ayaa wafdi wasiirro ah usoo diray magaalada Gaalkacyo, oo ay ku sugan yihiin boqolaal qoys oo Somaliland ay si khasab ah ugasoo saartay magaalada Laascaanood.

Wafdigaan oo ahaa guddi horey loogu xilsaaray dadka Laascaanood lagasoo tarxiilay, ayaa Gaalkacyo u tagay si ay u qiimeeyaan xaaladda qoysaskaas iyo sidii Koonfur galbeed ugu fidin lahayd gurmad

Masuuliyiin katirsan Puntland iyo odayaasha Koonfur Galbeed ee gobalka Mudug ayaa wefdiga kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Wafdigaan ayaa isla maanta lagu wadaa inay kormeer ku tagaan goobaha dib u dajin loogu sameeyay qoysaska lasoo barakaciyay, si ay uga dhegaystaan warbixinno ku saabsan xaalkooda.

Wafdiga Gaalkacyo soo gaaray waxay ka kooban yihiin, Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Gaadiidka, Wasiirka Gargaarka iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Haweenka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/8/2021 8:03 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa maanta oo jimce ah shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda adduunka (ICJ), ay ka gaarayso kiiska badda ee Soomaaliya.

10/8/2021 4:09 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa xalay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsaday saldhigyo ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab, waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu jiro khasaare xooggan oo gaaray Alshabaab.

10/8/2021 3:29 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qeylo dhaan abaareed oo xooggan soo saaray, kadib shir ka dhacay magaalada Kismaayo oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

10/8/2021 3:01 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - UK ayaa xaqiijisay in laga billaabo Isniinta soo socota, 47 waddan la laga saari doono liiska cas, taas oo u sahlaysa dad badan inay u safraan dibadda si ay u aaddan dalalka ay doonayaan.

10/8/2021 2:13 AM EST
Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay golihiisa wasiiradda la qaatay kulan saacaddo badan qaatay oo looga hadlayay dhaqdhaqaaqyada amni ee ka jira Galmudug.