3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 6 , 2021
Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed oo maanta magacaabay golihiisa wasiirada cusub
 

Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa maanta soo dhisay golihiisa wasiirada cusub ee kamid noqonaya xukuumadda cusub ee Itoobiya hogaamin doonta 5ta sano ee soo socoto.

Wasiirada maanta la magacaabay ayaa isugu jira kuwo cusub oo saaxadda siyaasaddu hadda ugu horeyso, kuwo xilal hore dawladda ka hayay iyo kuwo wasaaradahoodii un lagu celiyay mar kale.

Haddaba qaar kamid ah wasiirada cusub ee la magacaabay ayaa ka kala yimid xisbiyada ugu tunka wayn kuwa mucaaradka sida OLF, EZEMA IYO NAMA oo ka kala socda Degaanada Oromada, Dhabuubka (Waqooyiga) iyo Axmaarada.

Abiyi Axmed ayaa sidoo kale golaha kusoo daray wasaarado cusub sida Wasaaradda Waraabka Dooxooyinka iyo dhulka joogiisu hooseeyo oo loo magacaabay Aisha Mohamed.

Axmed Shide oo ah Wasiirka Maaliyadda isaga halkiisii umbaa loodaayay oo uu joogaa, waana wasiirka kaliya ee Dowlad degaanka Soomaalida kasoo jeeda ee ilaa hadda la hubo inuu ka dhex muuqdo golaha wasiirada maanta la dhisay.

Dadka Dowlad degaanka Soomaalida kasoo jeeda ayaa ka gaws qabsaday qaabka uu Abiyi Axmed u dhisay golihiisa cusub ee wasiirada. Waxayna noqonaysaa markii u horeysay ee hal xubin oo kaliya oo dowlad degaanka kasoo jeedaa uu heer fadaraal ka dhex muuqdo.


Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/6/2021 12:39 PM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa amar ku bixisay in mudo 15 cisho ah gobolka Sanaag lagaga masaafuriyo ganacsatada kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada Ceerigaabo ka ganacsan jiray.

10/6/2021 11:30 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo maanta afar ruux ku dilay Isgoyska Xaawo-taako degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

10/6/2021 8:32 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa waddo qorshe ay ku xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya, iyadoo ciiddamo horleh usoo diraysa Soomaaliya.

10/6/2021 7:48 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si qota dheer waxa uu uga hadlay hanaanka ay ku dhisan tahay Hirshrabeelle oo uu sheegay inay tahay mid aanan xaq ku dhisneen oo xal ku dhisan.

10/6/2021 6:52 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa sheegay in raafka dadka aan Somaliland u dhalan lagaga saarayo gobolka Sool looga gol leeyahay sugida amniga gobolka, waxa kale oo uu sheegay in dadka la raafayaa anay ahayn Soomaali kaliya.

10/6/2021 4:36 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Murashixiinta Soomaaliya ayaa maanta muujiyay inay aad uga xun yahay baracinta lagu sameeyay dadka Soomaaliyeed ee laga soo raafay magaalada Laascaanood.

10/6/2021 4:24 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ayaa ka bilaabay dhismaha xarun looga hortagayo waxyaabaha qarxa (C-IED), si kor loogu qaado awoodda ciidamada ee la dagaalanka Alshabaab.

10/6/2021 3:32 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Doorashada madaxweynenimada Soomaaliya oo lagu waday inay dhacdo 10 -ka Oktoobar ayaa dib u dhac uu ku imaandoonaa, taasoo laga yaabo inay sii xoojiso kala qaybsanaanta siyaasiyiinta dalka.

10/6/2021 2:29 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe qarax ka dhacay degmadaasi ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

10/6/2021 1:02 AM EST
Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taala degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose waxay ku toogteen laba rag ah oo ku eedeeyeen inuu mid ka mid ahaa sixiroole midka kalana uu ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.