4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 6 , 2021
Al-shabaab oo laba ruux ku toogatay fagaare ku yaala degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose
 

Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taala degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose waxay ku toogteen laba rag ah oo ku eedeeyeen inuu mid ka mid ahaa sixiroole midka kalana uu ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Labada nin ee fagaaraha Jamaame lagu toogtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Mowliid Aadan oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Cabdullaahi Xasan Cumar oo isna lagu eedeyay inuu ahaa sixiroole.

Boqolaal dadweyne ah oo lagu amray iney usoo daawasho tagaan fagaaraha lagu dilaayay labada nin ayaa isugu soo baxay goobta lagu dilay labada marxuum kuwaas oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Jamaame.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale waxaa goobo fagaarayaal ah ay ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM iyo kuwo  ay ku sheegeen iney ku shaqeyaan Sixirka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]