3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 11, 2021
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo taageeray qorshe lagu ballaarinayo howlgalka Amisom ee Soomaaliya
 

Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa  taageeray hawlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee hoos imaanaya Cutubka VII ee howlgalka nabad -ilaalinta Soomaaliya, sanadka soo socda.

Howlgalkan ayaa ah in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka Amisom lagu wareegiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah. Ama in Soomaaliya la geeyo ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika.

Qorshahan oo horey ugasoo baxay guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, ayaa u baahnaan doona oggolaanshaha golaha ammaanka Qaramada Midoobay (UNSC), si loo ballaariyo  waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay wuxuu qeexayaa awoodda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ilaalinta nabadda.

Wuxuu u oggolaanayaa Golaha inay go'aamiyaan jiritaanka wax kasta oo khatar ku ah nabadda, jebinta nabadda, ama ficilogardaro ah iyo inay qaadaan tallaabo milatari iyo mid aan milatari ahayn si dib loogu soo celiyo nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga soo horjeesatay qorshahan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/11/2021 5:33 PM EST
Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, ayaa digniin kasoo saaray in Soomaalida ku dhaqan Nairobi ay u dabaal dagaan go’aanka kiiska badda ee berrito ay ku dhawaaqayso maxkamadda caddaalada.

10/11/2021 8:35 AM EST
Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Xubno ka socday guddiga doorashooyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ayaa maanta magaalada Baledweyne kulan kula qaatay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

10/11/2021 8:15 AM EST
Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu difaacayo xoriyada iyo ganacsiga ay hablaha reer Somaliland leeyihiin, isagoo dad aanu carabaabin ku eedeeyay in ay doonayaan in ay burburiyaan ganacsiga haweenka.

10/11/2021 5:30 AM EST
Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxay ku sheegeen iney walwal aad u weyn ka qabaan dib u dhaca doorshada iyo tafaraaruqa siyaasadeed ee ka jira dalka oo ay sheegeen in xaalad hubaanti la'aan dhanka doorashooyinka uu dalka galay.

10/11/2021 4:11 AM EST
Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Hogaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in ay u qalmaan in loo taago Taallooyin lagu xasuusandoono kaalinta xukuumadii uu katirsanaa ay ka qaadatay badbaadinta badda Soomaaliya.

10/11/2021 2:51 AM EST
Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xalay aqalka madaxtooyada gobolka Hiiraan waxa uu casho sharaf iyo soo dhaweyn uu ugu sameeyay xubnaha ka socday guddiyada doorashada Fedaraalka iyo Hirshabeelle.