4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 10, 2021
Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo goobjoog u noqonaya xukunka dacwada Badda oo gaaray magaalada Hague
 

Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Wafdi uu hogaaminaayo Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand.

Ujeedada wafdiga ayaa lagu sheegay iney goobjoog ka noqonayaan go'aanka Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee loo yaqaano ICJ oo 12-ka bishan Oktoobar ku dhawaaqi doonta xukunka dacwada badda Soomaaliya ee ay murumka galisay dowladda Kenya.

"Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya" ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed.

Xubnaha wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ee gaaray magaalada Hague ayaa kala ah, Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Danjire Yuusuf Garaad Cumar  oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Xubno kale.

Xukunka ay ku dhawaaqi doonto Maxkamada ICJ ayaa waxaa il gaar ah kuwada eegaya Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya, iyada oo xusid mudan tahay in dowladda Kenya ay sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aanka kasoo baxa Maxkamadda ICJ.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]