4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 24, 2021
Muusikiistahii weynaa Jiim Sheekh Muumin oo Muqdisho ku geeriyooday
 

Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday allah u naxariistee Muxidiin Sheelh Muumin oo loo yaqiinay Jiim Sheekh Muumin, kaasoo mudooyin dambe xanuunsanaa sida warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah ehelkiisa.

Marxuum Jiim Sheekh Muumin ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee aqoonta sare u lahaa garaacista Kabanka iyo Laxanka.

Allah u naxariiste marxuumka waxa uu ku dhashay degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan sanadkii 1940-kii, waxaana la sheegay inuu fanka kuso biiray sanadkii 1964-kii.

Jiim Sheekh Muumin ayaa laxanka saari jiray Heesaha ay curiyaan Abwaanada ka hor inta aanan loo dhiibin fanaanka ku luuqeynaya sida uu ku sheegay Wareysi uu horay u siiyay Warbaahinta.

Allah u naxariistee Heesaha uu laxanka saaray Muxidiin Sheekh Muumin Jiim waxaa kamid ah (Wajiyaal is xasuusta) uu sida uu horay ugu sheegay wareysi uu bixiyay in riyaawadeeda laxan saarista ay ku qaadatay mudo sadax cisho ah.

Geerida marxuum Jiim Sheekh waxaa ka tacsiyadeeyay madax kala duwan iyo shaqsiyaad aqoon badan u lahaa marxuumka oo ay ka mid yahiin fanaaniinta iyo ehelkiisa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]