4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 23, 2021
Shirkad horumarin doonta ganacsiyada ay leeyihiin dumarka Soomaaliyeed oo la daahfuray
 

Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Shirkadda la talinta Asal Consulting, oo kaashaneysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ururka Shaqaalaha adduunka, ayaa waxay si rasmi ah u daah fureen Goobaal Online, oo ah adeeg loogu tala galay ganacsiyada ay leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed oo doonaya in ay kobciyaan ganacsigooda.

Madashan ayaa la sheegay in ay noqon doonta fursad ay Haweenka ganacsatada ah ay ganacsigooda muuqaal ahaan loogu xayeysiindoono barta internet-ka ee u jira Gobaal Online, waxayna fikradan  ka dhalatey markii la ogaadey in badi ganacsiyada Haweenku leeyihiin aaney ku jirin internet-ka.  

Adeegan ayaa wuxuu awood u siinayaa in ay ka helaan fursad ay ku kordhiyaan macaamiisha imaaneysa goobahooda ganacsiga iyo macaaiisha ka eegeysa baraha internetka iyo bogagga baraha bulshada, sida lagu sheegay warbixinta furitaanka adeeggaan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online