3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 23, 2021
Abiyi Axmed oo sheegay inuu dagaalka ka qaybgalayo, xilli lagu soo dhawaaday Addis Ababa
 

Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed Cali, oo kulan la yeeshay guddida fulinta ee xisbiga talada haya ee Barwaaqo, ayaa ku dhawaaqay in uu tagi doono jiidda hore ee dagaalka, isla markaana uu hoggaamin doono Ciidamada difaaca Itoobiya, laga bilaabo maanta oo Talaada ah.

Sidoo kale kulankaas xisbiga Barwaaqo ayaa lagu go'aamiyay in xubin kasta oo xisbiga kamid ah, uu tagi doono furimaha hore ee dagaalka, kaas oo ay dowladdu kula jirto kooxda TPLF oo gacan ka helaysa Jabhadda Xoraynta Oromiya ee OLA.

Dhinaca kale waxaa maalinimadii shalay furimaha hore ee dagaalka lageeyay Ciidamada Booliska Fadaraalka Itoobiya, kuwaas oo la sheegay inay qayb ka noqdaan hawlgallada ka dhanka ah kooxda TPLF.

Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed oo ah abbaanduulaha guud ee Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya, ayaa hadallo kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu ku yiri " Itoobiya waxa ay taariikh dheer u leedahay ilaalinta magaca xoriyadda iyo madax bannaanida waddanka".

Hadallada Abiyi Axmed ayaa u muuqda kuwo uu ku dhiiragalinayo ciidamada difaaca ee dagaalka ku jira, iyo waliba in uu ku muujiyo inay ka go'an tahay inuu hogaamiyo ciidamada difaaca ee dagaalka kula jira TPLF, isla markaana uu dhiso mooraalka ciidamada kala duwan ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah TPLF.

Geesta kale kooxda TPLF ayaa majaajilo ku tilmaantay hadallada kasoo yeeray xukuumadda Abiyi Axmed, waxayna sheegeen inay sii wadayaan waxay ugu yeereen halganka cunaqabataynta lagaga qaadayo Tigray.

Dhinaca kale safaaradaha dalal dhawr ah oo Mareekanku ku jiro ayaa muwaadiniintooda ku sugan Itoobiya, ugu baaqay inay dalka Itoobiya isaga baxaan intay goori goor tahay, waxayna sheegeen in hadhaw ay ku adkaanayso safaaraddu inay muwaadiniinta u fududayso sidii ay uga bixi lahaayeen dalka Itoobiya.

Hadallada Abiyi Axmed ayaa imaanaya un xilli kooxda TPLF ay sheeganayso inay usoo dhawaatay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, isla markaana ay sheegayaan inay sii wadayaan duulaankooda ka dhanka ah, xukuumadda uu majaraha u hayo Abiyi Axmed.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/23/2021 12:27 PM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in dalka uu galay Xaalad deg deg ah oo bani'aadanimo oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee dalka kusii faafaya.

11/23/2021 8:18 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Doorashada shan kursi oo katirsan kuraasta xildhibaannada gobolada waqooyi ee Somaliland, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo kuraasta qaarkood ay kusoo laabteen xildhibaanno horey u joogay golaha shacabka.

11/23/2021 3:56 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Iyadoo goordhaw si rasmi ah uga bilaabatay doorashada 5 ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya xarunta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jenaraal Kaahiye ayaa waxaa la doortay laba ka mid ah kuraasta doorashadooda maanta ka dhaceysa Muqdisho.

11/23/2021 3:18 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka jawaab celiyay eedeeyn kulul oo kasoo yeertay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

11/23/2021 1:47 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Shirkadda la talinta Asal Consulting, oo kaashaneysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ururka Shaqaalaha adduunka, ayaa waxay si rasmi ah u daah fureen Goobaal Online, oo ah adeeg loogu tala galay ganacsiyada ay leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed oo doonaya in ay kobciyaan ganacsigooda.

11/23/2021 1:16 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa soo saaray go’aan loogu mamnuucayo guud ahaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta golaha shacabka in ay qariyaan wajiyadooda, marka ay socoto cod bixinta doorashada.

11/23/2021 12:51 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka ayaa maanta qabanaya doorashada Lix kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee gobolada waqooyi sida uu sheegay afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Ambassador Axmed Adan Dagaal (Safiina).

11/23/2021 12:42 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya Cismaan Cilmi Guuleed “Biikilo" ayaa Ra'iisul wasaaraha ka fogeeyay inuu wax shaqo ah ku leeyahay qaadida dacwada kiiska Ikraan Tahliil Faarax.