3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2021
Soomaalida xaafadda Islii oo aad uga horyimid hadal kasoo yeeray senator katirsan aqalka sare Kenya
 

Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Xildhibaan Yuusuf Xasan, oo laga soo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nayrobi iyo Soomaalida xaafadda Islii, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kasoo yeeray senator katirsan aqalka sare Kenya oo dhawaan sheegay in xaafadda Islii lagu iibiyo hubka.

Xildhibaan Yuusuf ayaa sheegay in isaga iyo dadweynaha xaafadda Islii ay isugu soo baxeen sidii ay u cambaarayn lahaayeen hadalka kasoo yeeray senatorka aqalka sare, una muujin lahaayeen in dadka ku nool xaafadda Islii ay yihiin dadka nabada jecel.

“Waxaan ka codsanay ninkaas Senatorka ah inuu raalli galin si degdeg ah uga bixiyo hadalkaas beenta ah ee uu ka sheegay xaafadda Islii,” ayuu yiri xidlhibaan Yuusuf Xasan Cabdi, oo wareysi siiyanayay idaacadda BBC.

Xildhibaan Yuusuf waxa uu sheegay warkan laga sheegay xaafadda Islii in ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu curyaamiyo ganacsiga iyo horumarka ka socda Islii, laguna shaabadeeyo Soomaalida halkaas ku nool in ay yihiin dadka nabada carqalad ku ah.

“Berrigii hore ee reer Islii inta la cambaareeyo cagta la marin jiray, waanu kasoo gudubnay. Islii siyaasiyiin bay leedahay, madax bay leedahay. Dadka Soomaalidu kama aamusayaan, dulmina ma oggola, in lagu tuntana ma oggola,” ayuu hadalkiisa raaciyay xildhibaanku.

Wuxuu sheegay barlamaanka Kenya in ay u gudbin doonaan codsi ah ku aadan in Senatorkan wax laga weydiiyo arrinta uu xaafadda Islii ka sheegay ee ah in hub lagu iibiyo iyo sababta uu ku caddeynayo arrintaas.

  

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
11/22/2021 2:18 PM EST
Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin xeer tartanka doorashada ka mamnuucaya saraakiisha dowladda Soomaaliya ee xilalka ka haya iyo kuwa aan haynba.

11/22/2021 4:09 AM EST
Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta kala wareegay Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Baledweyne agab loogu talo galay hubinta amniga goobaha ay ka dhaci doonaan doorashada Golaha Shacabka.

11/22/2021 1:59 AM EST
Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay inay Canada dib u dejin ugu samaysay 71 qaxooti ah oo ay ku jiraan 37 carruur ah, kuwaas oo laga keenay dalka Libya.

11/22/2021 1:39 AM EST
Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafada Jamhuuriyada ee degmada Kaaraan waxay ku dileen wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degan xaafadaasi, waxaana lagu magacaabi jiray marxuumka la dilay Mukhtaar Yaxaloow

11/22/2021 12:38 AM EST
Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa caddaalad darro ku tilmaamay natiijada kasoo baxday guddigii loo magacaabay baarista kiiska gabadhooda oo hay’adda NISA ay horey u sheegtay in ay afduubteen oo ay dileen kooxda Alshabaab.

11/22/2021 12:35 AM EST
Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxaa intiisa badan laga soo sheegayaa inay ka jirto abaaro ba'an oo dadka iyo duunyadaba saamaysay.