4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 4 , 2021
Taliska Booliiska Soomaaliya oo soo saaray awaamiir la xiriirta howlaha shaqo ee ciidanka

 

Talaado, May, 04, 2021 (HOL) -- Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray awaamiir la xiriirta howlaha ciidanka Booliiska, kaddib eedeymo maalmihii ugu danbeeyay loo jeedinayay.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Maxamed Xasan Xijaar  ayaa faray dhamaan ciidanka booliiska Soomaaliyeed in ay ku ekaadaan howlahooda shaqo, o ah xaqiijinta amniga muwaadiniinta iyo hantidooda, islamarkaana ula dhaqmaan dhamaanba muwaadiniinta Soomaaliyeed cadaallad.

Amarkan ayaa soo baxaya iyadoo dhowr jeer lagu eedeeyay ciidanka Booliiska in ay la safteen dhinacyo gaar ah kuna dhax milmeen siyaasadda, gaar ahaan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay ciidamada in la siyaasadeeyay weerarro kala duwanna ku qaadeen guryaha mas'uuliyiin Soomaaliyeed iyo xarumo gaar loo leeyahay.

Taliyuhu ma uusan sheegin sababta keentay amarkan cusub, sidoo kalana kama uusan hadlin eedeymaha loo jeediyay, laakiin waxaa uu ciidamada faray in ay ku ekaadaan howlahooda shaqo in gudasha waajibka ka saaran sugida amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in maamulka iyo Amniga guud ee doorashada dalka ku wareejiyay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]