3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 2 , 2021
Puntland oo xukun dil ah ku riday 5 nin oo la sheegay inay yihiin maskaxdii ka dambeysay dilalka iyo qaraxyada Gaalkacyo
 

Axad, May 02, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku ridey shan nin oo lagu helay in ay ahaayeen horjoogayaal katirsan Alshabaab, kuwaas oo qaabilsanaa amarada iyo qorsheynta dilalka iyo qaraxyada magaalada Galkacyo.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in ay raggaan muddo 13 sano ah masuul ka ahaayeen dilal joogto ah oo loo geysanayay saraakiil ami, masuuliyiin iyo dad haldoor ah oo lagu dilay Gaalkacyo.

Waxaa lasoo bandhigay muuqaallo laga duubay raggaan oo ay ku qirayaan in ay katirsan yihiin Alshabaab iyo falalkii ay ka geysteen Gaalkacyo, inkastoo qeybtood markii maxkamadda la horkeenay ay dafireen.

Ragga la xukumay waxaa lagu kala magacaabaa.

Maxamed Xaashi Muumin (Abu Dhayib), Cabiqaadir Axmed Ummal (Abu Cabdalla), Maxamed Cali Cowke (Jeeri), Qaasim Jeylaani Alturaabi, Maxamed Cabdullaahi Ayaanle (Abeyle).

Maxkamada ciidamadda ayaa dhinaca kale xoriyadooda usoo celisay afar nin oo lagusoo eedeeyay in ay katirsan yihiin Alshabaab, balse lagu waayay wax dambi ah.

Dhawaan ayay ahayd markii maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku riday shan nin oo lagu sheegay in ahaayeen raggii fulin jiray dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ka dhaca Gaalkacyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online















Click here
5/2/2021 3:37 PM EST
Axad, May 02, 2021 (HOL) - Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ayaa caawa shir ku yeeshay xubo ka tirsan midowga Musharixiinta iyo wafdi ka socda dowladda Qatar oo xalay soo gaaray Muqdisho.

5/2/2021 2:13 PM EST
Axad, May, 2, 2021 (HOL) - Taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi, oo kawajabaya eedo losoo jediyay, ayaa yidhi “dadka booliiska eedaynayaa waa dad doonaya in ay sharciga gacmahooda ku qaatan maalinta doorashada”.

5/2/2021 11:00 AM EST
Axad, May 02, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble kulan waddatashi ah iskugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir 20-ka bishan May.

5/2/2021 9:41 AM EST
Axad, May, 02, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa kulan la qaatay ergey ka socda dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.oo xalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

5/2/2021 9:31 AM EST
Axad, May, 2, 2021 (HOL) - Waalidiinta 6 arday oo loo haysto in ay abaabuleen rabshadihii dugsiga Nuradiin ee magaalada Hargaysa ka dhacay 3, Maarso, ayaa sheegay in loo diiday in ay caruurtooda xabsiga ku booqdaan.

5/2/2021 9:20 AM EST
Axad, May, 2, 2021 (HOL) - Xarunta xuquuqal insaanka madaxabanaan ee Somaliland, ayaa booliska ku eedeesay in ay si sharci daro ah u xidheen musharixiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka iyo wariyayaal.

5/2/2021 9:05 AM EST
Axad, May, 02, 2021 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Muqdisho soo gaaray ergay gaar ah oo ka socda dowladda Qatar Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani kaasoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Gobolleedyada.

5/2/2021 7:53 AM EST
Axad, May 02, 2021 (HOL) - Jubbaland ayaa ku eedeeysay madaxweyne Farmaajo in uusan doonayn inuu arrimaha amniga ku wareejiyo raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo xukuumadiisa loo igmaday inay la wareegto masuuliyadda doorashada iyo amniga.

5/2/2021 6:48 AM EST
Axad, May 02, 2021 (HOL) - Midowga Musharraxiinta ayaa soo dhoweeyay in RW Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka.

5/2/2021 2:58 AM EST
Axad, May, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa taliyaha booliska Somaliland ku eedeeyay in uu musharixiinta ula dhaqmayo sidi argagixisada.

5/2/2021 1:45 AM EST
Axad, May 02, 2021 (HOL) - Bayaan ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa kagy sheegay in ay soo dhaweynayaan tallaabadii ay shalay qaadeen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, taas oo si rasmi ah dib loogu noqday heshiiskii doorashada ee 17-kii September 2020.