3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 1 , 2021
Farmaajo oo Baarlamaanka ka codsaday in dib loogu laabto hannaankii doorashada 17kii September

 

Sabti, May. 01, 2021 (HOL)  - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo goor dhaw khudbad ka hor jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka codsaday in ay ka tanaasulaan hindise sharciyeedkii muddo kororsiga oo ay dhawaan ansixiyeen, taa badalkeedana dib loogu laabto hannaankii doorashada 17ka September.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in uu cadeynayo laga bilaabo maanta in uu maamulka iyo amniga doorashada ku wareejiyay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble.

Khudbadiisa ayuu ku sheegay in marnaba uusan aqbaleynin in dalkan qalalaase la galiyo gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo sida uu hadalka u dhigay ah halkii uu ku soo barbaaray.

Waxaa uu ku eedeeyay hoggaamiyayaasha mucaaraadka in ay abaabuleen dhalinyarro hubeysan oo sida uu sheegay la doonayay in dalka dhibaato loogu horseedo gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana uu intaa raaciyay in ka dowlad ahaan go'aansadeen in dadka dhagahooda laga ilaaliyo dhawaqa rasaasta.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaddib isaga baxay Golaha oo ay hadda fadhiyaan xildhibaannada oo la filayo in ay go'aan ka gaaraan codsiga madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  













Click here
5/1/2021 3:08 PM EST
Sabti, May 01, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go'aankii uu maanta qaatay madaxweynaha Soomaaliya oo ku wareejiyay maamulka iyo amniga doorashada, isaga oo sheegay in uu la iman doono qorshe iyo hannaan lagu maamulayo doorashada.

5/1/2021 2:51 PM EST
Sabti, May, 1, 2021 (HOL) - Warbixin ay soo saareen ciidanka dab-damisku, ayaa lagu sheegay in hal wiil uu geeriyooday kadib markii uu ku qarqoomay balli ku yaala duleedka galbeed ee Hargaysa.

5/1/2021 10:36 AM EST
Sabti, May, 1, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayo ergayga gaar ah ee wasiirka arrimaha dibada ee Qatar u qaabilsan la dagaalanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta khilafaadka Mutlaq bin Majed Al Qahtani.

5/1/2021 10:29 AM EST
Sabti, May. 01, 2021 (HOL) - Bayaan kooban oo kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagusoo dhaweeyay go’aankii barlamaanka Soomaaliya uu maanta ku meel mariyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 september.

5/1/2021 10:11 AM EST
Sabti, May. 01, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku wareejiyay hoggaamita hirgelinta doorashooyinka iyo amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasilloon.

5/1/2021 9:26 AM EST
Sabti, May, 1, 2021 (HOL) - Warmurtiyeed ay xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID kasoo sareen kulan ay yeesheen ayaa ay walaac kaga muujiyeen xadhiga musharixiintooda.

5/1/2021 8:39 AM EST
SSabti, May. 01, 2021 (HOL) - Dowladda UK ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo qabto doorashada Soomaaliya, xilli uu maanta barlamaanka Soomaaliya horyimid madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay in raysal wasaare Rooble uu hoggaamindoono diyaarinta iyo hirgalinta doorashooyinka dalka.

5/1/2021 8:14 AM EST
Sabti, May, 1, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland liibaan Yusuf Cisman, ayaa qaabilay wafti uu hogaaminayo ergayga gaar ka ah ee wasiirka arrimaha dibada ee Qatar u qaabilsan ladagaalanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka DR. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.

5/1/2021 7:23 AM EST
Sabti, May, 1, 2021 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yusuf Cali Koore, ayaa 4 musharax oo mucaarad ah ku eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin dowlada Soomaaliya.

5/1/2021 5:45 AM EST
Sabti, May. 01, 2021 (HOL) - Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu xilka iska casilo.

5/1/2021 1:43 AM EST
Sabti, May. 01, 2021 (HOL) -Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maanta khudbad u jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo codsan doona in ay dib uga laabtaan go'aankii 12kii bishii April ee muddo kororsiga labada sano.