4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 1 , 2021
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya kulan xasaasi ah iyo madaxweyne Farmaajo oo hortagay

 

Sabti, May. 01, 2021 (HOL)  -Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maanta khudbad u jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo codsan doona in ay dib uga laabtaan go'aankii 12kii bishii April ee muddo kororsiga labada sano.

Farmaajo oo dhawaan TV Qaranka kala hadlay shacabka ayaa sheegay in uu 01 bisha May oo maanta ku beegan uu hortagi doono xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo ka codsanaya in dib loogu laabto hannaankii doorasho ee 17kii September, kaddib iska horimaadyadii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee dhaxmaray ciidamo kala taabacsan dowladda iyo mucaaraadka.

Laakiin waxaa soo baxaya shaki la xiriira  sida xildhibaannadu ku aqbali doonaan ka tanaasulka go'aankii ay gaareen 12kii  April, waxaana ilaa xalay soo baxayay digniinno loo jeedinayay Baarlamaanka oo laga dalbaday in aysan qaadan go'aamo mar kale dalka qalalaase gallin kara.

Midowga Musharixiinta ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu yahay shaqsiga kaliya ee caqabada ku ah in heshiis kama danbeys ah laga gaaro doorasho dalka ka dhacda, iyaga oo dhinaca kalana ugu baaqay Ra'iisal Wasaare Rooble in uu la wareego hannaanka geedi socodka doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]