4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 9 , 2021
Al-shabaab oo sheegatay iney dagaal culus kula wareegeen deegaanka Daynuunaay
 

Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Daaynuunaay ee gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal culus oo saacado badan qaatay uu halkasi ku dhaxmaray ciidamada dowlada Fedaraalka iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Shabaab ayaa weerar xoogan kusoo qaadeen aroornimadii hore ee saakay Saldhig ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed ku leeyihiin deegaanka daynuunaay.

Weerarka ayay sheegeen dadka deegaanka inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray walow ilaa hada aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Al-shabaab ayaa barahooda Internetka ku sheegtay in guulo aay ka gaareen weerarka aay saaka ku qaadeen deegaanka Daynuunaay isla markaana aay la wareegeen gacan ku heynta Saldhiga deegaankaasi.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed oo ku aadan waxa ka jira sheegashada Al-shabaab ee ah iney la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay oo u dhaw magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]