4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 8 , 2021
Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duuleedka Magaalada Muqdisho
 

Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog ayaa ka dhacay Bar-koontarool oo aay ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ku leeyihiin Xeebta Jasiira ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo ka tirsanaa Booliiska ilaaliya xeebta Jasiira ayaa ku dhintay qaraxa miino ee loo dhigay Barta Koontarool ee ku leeyihiin afaafka hore ee laga galo xeebta Jasiira.

Gudoomiyaha deegaanka Jasiira Xuseen Jilacow Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay bar-koontarool oo ciidamada amniga deegaanka ku sugnayeen, islamarkaana uu ku dhintay qaraxa hal askari oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka gaar ahaan kuwa xeebta Jasiira.

Waxuu intaasi ku daray guddoomiye Jilacow in qaraxa miino aay u soo qabteen laba ruux oo aay uga shakisan yihiin iney ku lug lahayeen, isagoona sheegay iney baaritaano ku socdaan.

Guddoomiye Xuseen Jilacow ayaa sidoo kale qaraxa miino ee ka dhacay xeebta Jasiira ku eedeyay iney ka dambeeyaan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab oo uu sheegay in ayaga looga bartay qaraxyada noocaan oo kale ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]