4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2021
Xafiiska imtixaanaadka Somaliland oo shaaciyay xiliga la galayo imtixaanka shahaadiga ah
 

Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Xafiiska imtixaanaadka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in 19 bishan Juun loo fadhiisan doono imtixinaanaadka shahaadiga ah ee fasalada 8aad iyo 4aad.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa yidhi “19 bishan oo ah maalin Sabti ah ayaa la galayaa, jadwalka hore ayaad u sii haysateen taariikhda uunbaa idinka maqnayd”.

Guddoomiyaha ayaa ardayda ku booriyay in ay kalsooni imtixaanka ku fadhiistaan.

“In aynu kalsoonida xoojino ayaa loobahanyahay, kalsoonida waxa kaa qaadaya in aad isku halaysid qofkale” ayuu yidhi.

“Waalidka ka ducaysta, cibaadadana libin laaba” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dugsiyada waxbarashada Somaliland ayaa xidhnaa 2 bilood ee u danbaysay xaalada Covid-19 awgii.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]