4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal Muqdisho ku dhexmaray ciidamada Haramcad iyo Shabaab
 

Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay Ex-koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Shabaab aay weerar xoogan kusoo qaadeen fariisin aay ciidamada Haramcad ku leeyihiin Ex-koontarool Balcad, kuwaas oo u xil saaran ilaalinta amaanka dhismha wadada xariirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Dagaalka xalay dhexmaray Haramcad iyo Shabaab ayaa la sheegay inuu socday muddo ka badan 20 daqiiqo waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo dadka shacabka ah hurdada u diiday.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka xalay dhexmaray ciidamada Haramcad iyo kuwa Al-shabaab mana jirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay dhexmaray.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]