4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 4 , 2021
Taliska Xoogga dalka oo sheegay iney dileen 70 dagaalyahano ka tirsan Shabaab
 

Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixiyay dagaalo xoogan oo ciidamada dowladda iyo kuwa Shabaab ku dhexmaray saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Deegaanada Warta jilable iyo Warciise ayay ahaayeen meelaha ugu daran oo aay dagaalada ugu kululaa aay ku dhaxmareen Shabaab iyo ciidanka Xoogga dalka.

Afhayeenka ciidanka Xoogga dalka gaashaanle sare Cali Xaashi oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay deegaanka Warta jilable ciidanka xoogga dalka aay ku dileen 70 dagaalameyaal ah Shabaab ah oo isugu jira askar iyo saraakiil, islamarkaana tiro intaasi ka badan kaga dhaawaceen.

Waxuu intaasi ku daray in ciidanka xoogga dalka aay haatan ku sugan yihiin dhamaan goobahii lagu dagaalamay, isagoona sheegay iney sii wadayaan ciidanka xoogga dagaalada aay kula jiraan Al-shabaab.

Dagaalkii ugu qaraaraa ayaa la sheegay inuu shalay dhexmaray ciidamada dowlada iyo kuwa Al-shabaab oo muddo ku dhaw laba todobaad ku dagaalamaya deegaano badan oo ka tirsan Sh/dhexe.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in laba sarkaal oo Al-shabaab u qaabilsanaa waxa ay kooxda ugu yeeraan Jabhadaha, waxaa uuna tilmaamay in weli ku raad joogaan dagaalameyaasha kale ee ka cararay goobta dagaalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]