3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 10, 2021
Dowladda Kenya oo dib u fasaxday duulimaadyadii diyaaradaha Soomaaliya iyo Kenya
 

Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa shaacisay iney dib u fasaxday duulimaadyadii tooska ahaa ee kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya ayaa lagu shaaciyay in diyaaradaha Soomaaliya iyo Kenya duulimaadyadoodii dib loo fasaxay.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ariimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in dib u furista hawada aay timid kadib wadahadalo wanaagsan oo dhexmaray labada dal ee Soomaaliya iyo kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in furitaanka duulimaadyada diyaaradaha labada dal uu soo kordhin doono xiriiro wanagsan oo diblumaasiyadeed iyo waliba ka dhanka ganacsiga.

Kenya ayaa horay sidaan oo kale amar kasoo baxay ku joojisay duulimaadyadii diyaaradaha Soomaaliya iyo Kenya u kala socdaali jiray kadib markii uu xumaaday xiriirkii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhaxeeyay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/10/2021 7:44 AM EST
Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya, Cusmaan Abukar Dubbe ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamo Soomaaliyeed oo lagu tababarayay dalka Eritrea ay ka qeyb galeen dagaalada ka socda dalka Ethiopia.

6/10/2021 6:59 AM EST
Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Mudaharaad loogasoo horjeedo dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalka Eritrea tababar ciidan loogu qaaday kadibna laga qeyb galiyay dagaalada waqoooyiga Ethiopia ka socda ee lagula jiro ciidamada Tigrayga ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

6/10/2021 5:22 AM EST
Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Shirkadda labaad ee ugu weyn ee soo saarta hilibka lo'da, hilibka doofaarka iyo digaagga ee dalka Mareykanka ayaa bixin doonta illaa $ 5.5 milyan si ay u xalliso dacwad ku saabsan in shirkaddu ay takooreyso shaqaalaha muslimiinta ah ee ka shaqeeya warshaddan oo ku taal waqooyiga Colorado.

6/10/2021 4:30 AM EST
Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda qalabka sida ay xireen hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda al-Shabaab kadib hawlgal ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe.

6/10/2021 2:07 AM EST
Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Wiilashaan dhalinyarada ah ayaa siyaabo kala duwan xalay loogu dilay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

6/10/2021 1:58 AM EST
Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay dhalinyaradii dowladda Fedaraalka Soomaaliya tababarka ciidan ugu qaaday qadan Eretariya, ee la sheegay in laga qeyb galiyay dagaalo cusla oo ka dhacay gobolka Tigreeyga ee dalkaasi Itoobiya.