3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 10, 2021
Hoggaamiye sare oo ka tirsan al-Shabaab oo lagu qabtay gobolka Shabeelada dhexe

Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda qalabka sida ay xireen hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda al-Shabaab kadib hawlgal ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe.

"Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Booliska Hirshabeelle waxay xireen hoggaamiye sare oo ka tirsan ururka Alshabaab kadib howl gal ay si wada jir ah uga sameeyeen tuulooyinka War Ciise iyo Aqab Duco oo ku dhow magaalada Jowhar," ayuu yiri afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo bartiisa Twitter-ka ku qoray.

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa gobolka Shabeeladda dhexe ka wada howlgal labo todobaad soconaya oo ka dhan ah al-Shabaab, illaa iyo hadda waxaa lagu dilay 130 dagaalame, waxaana la xoreeyay lix tuulo, sida wararku sheegayaan.

Gelinkii dambe ee Isniinta, ugu yaraan 60 dagaalame oo katirsan al-Shabaab, oo ay ku jiraan ajaanib, taliyayaal sarsare iyo khubaro bambooyinka sameeya ayaa ku geeriyooday kadib markii ay bombo kula qarxday gobolka Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen militarigu.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
6/10/2021 9:00 AM EST
Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa shaacisay iney dib u fasaxday duulimaadyadii tooska ahaa ee kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya.

6/10/2021 7:44 AM EST
Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya, Cusmaan Abukar Dubbe ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamo Soomaaliyeed oo lagu tababarayay dalka Eritrea ay ka qeyb galeen dagaalada ka socda dalka Ethiopia.

6/10/2021 6:59 AM EST
Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Mudaharaad loogasoo horjeedo dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalka Eritrea tababar ciidan loogu qaaday kadibna laga qeyb galiyay dagaalada waqoooyiga Ethiopia ka socda ee lagula jiro ciidamada Tigrayga ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

6/10/2021 5:22 AM EST
Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Shirkadda labaad ee ugu weyn ee soo saarta hilibka lo'da, hilibka doofaarka iyo digaagga ee dalka Mareykanka ayaa bixin doonta illaa $ 5.5 milyan si ay u xalliso dacwad ku saabsan in shirkaddu ay takooreyso shaqaalaha muslimiinta ah ee ka shaqeeya warshaddan oo ku taal waqooyiga Colorado.

6/10/2021 2:07 AM EST
Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Wiilashaan dhalinyarada ah ayaa siyaabo kala duwan xalay loogu dilay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

6/10/2021 1:58 AM EST
Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay dhalinyaradii dowladda Fedaraalka Soomaaliya tababarka ciidan ugu qaaday qadan Eretariya, ee la sheegay in laga qeyb galiyay dagaalo cusla oo ka dhacay gobolka Tigreeyga ee dalkaasi Itoobiya.