4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 20, 2021
Wasiir Saajin "30 kii sano ee Soomaaliya jirtay Awdal baa ugu liidatay"
 

Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Wasiirka ganacsiga Somaliland Maxamuud Sacad Saajin, oo ka hadlayay dhacdadii ay qaar kamida dhalinyarada reer Awdal calanka Soomaaliya kula soo baxeen 26 Juun, ayaa sheegay in anay jirin sabab dhalinyarada Awdal ugu riyaaqaan midow Soomaaliyeed.

Wasiir Saajin ayaa sheegay in reer Awdal anay wax faa'iido ahi kasoo gaadhin midowgii Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ku andacooday in gobolka Awdal uu ugu liitay wakhtigii 30 sano ahaa, ee jamhuuriyadii Somaalidu sida buuxda u shaqaynaysay.

"Waxan garan la'ahay cida calanka wakiilka inooga dhigtay, waxan garan la'ahay cida ku dulmanayd calanka, Soomaaliya waxay jirtay 30 sano cida ugu liidatay ee ku dilmanayd inaga ayay ahayd, cidi wax fara badan ku heshay sidaan u dhaqano uma dhaqanto" ayuu yidhi.

"Waxan garan la'ahay waxa sanadkasta iyo markii dhawr bilood la joogaba inaga uun calanka inoo dhiibay, waar calanka hadii Soomaali isku noqonayso kama lihin dadka, ula mid baan nahay, wakiilna kama nihin inagu" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka ayaa dhalinyarada calanka Soomaaliya loo qabtay ku tilmaamay qaar aan taariikhda wax badan ka garanayn isla markaana aan wax badan ka ogayn wacyigu siduu ahaa xiligii dowladii Soomaalida.

"Dhalinyaradan la or ordaysa garan mayaan, inaga ugu liidanay xiligii dowladii Soomaaliya, inagana ugu fac fac badan imika, waar lugooyada ka daaya ubad kani ma garanayaan waxane, Soomaalina kama xigno calankan" ayuu yidhi.

42 qof ayaa loo qabtay in ay calanka Soomaaliya kula soo baxeen gobolka Awdal munaasibadii 26 Juun, iyagoo 35 hablood oo  kamid ah 42 qof Isniintii shalay jeelka laga siidaayay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online