4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 19, 2021
Shirkaddaha diyaaradaha Blue Sky iyo Halla Airline oo ka hadlay xanibaad la giliyay Duulimaadyadoodii Muqdisho iyo Baydhabo
 

Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Shirkaddaha diyaaaradaha ee Blue Sky iyo Halla Airline ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xanibaad maamulka Koonfur galbeed uu kusoo rogay duulimaadyadooda isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Warsaxaafadeed ay soo saareen madaxda shirkaddahaas ayaa lagu sheegay in wasaaradda gaadiidka koonfur galbeed ay garoonka Baydhabo ka celisay diyaaraddo siday rakaab ka tagay Muqdisho oo ku wajahnaa magaalada Baydhabo.

Waxay sidoo kale sheegeen in la xanibay duulimaad kale oo kasoo bixi lahaa magaalada Baydhabo, taasoo keentay in dad badan oo doonayay in ay qoysaskooda la ciiddaan ay ku kala xayirmeen Muqdisho iyo Baydhabo.

Masuuliyiinta shirkadda waxay sheegeen in xanibaada lagu sameeyay ay u arkaan mid lagu carqaladaynayo ganacsigooda islamarkaana loogu adeeggayo dhinacyo kale.

Maamulka Koonfur galbeed weli kama hadlin eedeymaha loosoo jeediyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online