3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dil Xalay ka dhacay Magaalada Baledweyne
 

Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay magaalada Baledweyne Askari ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Qeeyliye waxaana la sheegay in la dilay isaga oo saaran Mooto Bajaaj kuna sii jeeday xaafadiisa.

Dableydii hubeysneyd ee dilka u geystay askariga ayaa iyagana goobta si deg deg ah uga baxsatay, waxaana la sheegay iney horay usii qaateen qorigii uu watay askariga dhintay.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa dilka kadib gaaray goobtii lagu dilay askariga iyagoona meyda askariga goobta ka qaaday, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano,

Lama oga cida ka dambeysay dilka askariga oo la sheegay iney fuliyeen laba nin oo hubeysanaa, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha amniga degmada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/18/2021 1:58 PM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland, ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqday in ay siidayso 42 qof, oo magaalada Boorama loogu xidhay in ay qaateen calanka Soomaaliya 26 Juun.

7/18/2021 9:37 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa mar kale sheegay inuu u sharraxanyahay kursigaa ka tirsan Golaha Shacabka, ka dib munaasabad ka dhacday hoygiisa degmada Ceel-Barde.

7/18/2021 8:22 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyay guddiga xalinta khilafaadka arrimaha gobolka Gedo oo soo gabagabeeyay safarkoodii Garbahaareey.

7/18/2021 4:39 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo waraysi siiyay BBC, ayaa sheegay in xildhibaanada UCID ee Kulmiye la heshiiyay ay sharci jabin sameeyeen.

7/18/2021 4:29 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Guddigii uu Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray arrimaha gobolka Gedo, si doorashada xubnaha labada aqal uga dhacdo Garbahaareey ayaa ku guulaystay in heshiis laga gaaro doorashada Garbahaareey.

7/18/2021 3:57 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Dowladda Somaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay warbixinta kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.

7/18/2021 3:52 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa xayiraadi ka qaaday diyaarada Air Arabia sida lagu baahiyay boga facebook ee SNLTV.

7/18/2021 2:46 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro ayaa Xalay kulan la qaatay guddiga amniga doorashooyinka dalka ee heer qaran ee uu guddoomiye u yahay taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar.

7/18/2021 1:33 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Meydka laba wiil oo Walaalo ahaa oo ku dhacay Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ayaa laga helay xaafada Buundaweyn ee magaalada Baledweyne.