4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 17, 2021
Baarlamaanka Jubbaland oo magacaabay guddiga doorashada aqalka sare
 

Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Guddoonka Golaha wakiilada Dowladda Jubbaland, ayaa maanta magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee Jubbaland.

Magacaabistaan ayaa daba socota codsigii shalay ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland kaas oo ahaa in golaha wakiilada Jubbaland magacabaan guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka sare.

Jubbaland waa maamulkii ugu horeeyay ee soo saara guddiga doorashooyinka aqalka sare, xilli lagu wado in doorashooyinka aqalka sare ay bilowdaan 25 ka bishan july sida ku xusan jadwalka doorashada.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online