4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 12, 2021
Guddiga Doorashooyinka maamulka Hirsbabeelle oo doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa
 

Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho xubnaha guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle, kuwaas oo iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Xubnaha guddig doorashada Hirshabeelle oo ka koobna 11 xubnood ayaa waxaa xilka isku soo sharaxay xilka guddoomiyaha Axmed Xasan Diini, mana jirin cid kula tartantay xilka, waxuuna sidaas ugu guuleystay inuu noqdo guddoomiyaha guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle

Waxaa sidoo kale xilka guddoomiye ku xigeenka loo doortay Xaliimo Maxamed Cismaan, mana jirin cid kale oo isku soo taagtay iney la tartanto, waxayna sidaas ku noqotay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashoyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Doorashada maanta dhacday ayaa muddo hakad ugu jirtay sidii ay u qabsoomi laheyd madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo safar ugu maqnaa dalka Turkiga.

Guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ee maanta la dooray ayaa horay wareegto ka soo baxday Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare loogu Magacaabay guddoomiyaha Guddiga doorashada Maamulka Hirshabeelle kaasoo maantana markale loo doortay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]