3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2021
Puntland oo ka jawaabtay cabasho laga muujiyay dad lagu xukumay dil toogasho oo Shabaabnimo ku eedeysan
 

Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay dad dhawaanahaan ka cabanayay dhalinyaro lagu xukumay dil toogasho ah oo ku eedeysan falal isugu jira dil iyo qaraxyo, in ay soo adeegsadeen  Alshabaab.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Noor iyo taliyaha xabsiga gobolka Mudug, gaashaanle sare Aadan Nuur Qaal, ayaa warbaahinta ka sheegay in ay dadkaasi dabada kasoo riixayaan kooxda Alshabab kuna qasbayaan in ay difaacaan dad lagu helay dambiyo cad cad oo qiraal ah.

Waxay sheegeen ujeedada laga leeyahay in ay tahay in dadka la iska horkeeno oo shaati qabiil loo galiyo dadaalka ay Puntland ku bixinayso in caddaalada la marsiiyo dambiilayaasha Shabaabka ee dadka ku layn jiray gobolka Mudug, sida ay sheegeen.

Masuuliyiinta waxay sheegeen in xabsiyada Gaalkacyo lagasii daayay dad boqolaal kor u dhaafaya oo isugu jira qabiil walba , kadib markii lagu waayay wax dambi oo ah ay geysteen.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Sanyare, wuxuu sheegay cid kaste oo isku dayda in ay Shabaab ku difaacaan shaati qabiil ay lamid yihiin iyaga islamarkaana isku si’ ula dagaalami doonaan.

Taliyaha xabsiga dhexe ee gobolka Mudug gaashaanle sare Aadan Nuur Qaal, wuxuu beeniyay habo yaraatee in wax jirdil ah loo geystay eedeysanayaasha. Balse ay afkooda ku qirteen dambiyada ay galeen iyo weliba meelaha ay ku galeen.

Puntland waxay sheegtay in dad labo kun oo qof ah oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ay dilalkooda ka dambeeyaan dadkii dhawaan dilka lagu xukumay iyo kuwa lagu fuliyay dilkaas oo gaarayay 18 nin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/11/2021 6:36 PM EST
Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Ciyaar adag oo garoonka Wembley ee ku yaallo waqooyiga magaalada London ku dhex martay wadamada Taliyaaniga iyo Ingiriiska, ayaa guushu waxay ku raacday dalka Taliyaaniga oo markoodii labaad ku guuleystay koobka horyaalada Yurub ee loo yaqaano UEFA Euro.

7/11/2021 2:33 PM EST
Axad , Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa casuumad u sameeyay dhalinyarada hindistay halku dhaga "kani waa kaygii.

7/11/2021 2:17 PM EST
Axad , Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa tababar usoo xidhay 500 oo dhalinyaro ah oo ka baxay tababarka shaqo qaran.

7/11/2021 12:19 PM EST
Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa ka jawaab celiyay hadal dhawaan uu jeediyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed kaasoo ahaa inaan doorasho ka dhici karin Baledweyne hadii uusan imaan madaxweynaha Hirshabeelle.

7/11/2021 12:05 PM EST
Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo duqa degmada ayaa dhagax dhigay xarun lagu dabiibo dadka dhimirka ka dhaawacan.

7/11/2021 9:08 AM EST
Axad , Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Jaalliyada Oromada ee ku dhaqan Somaliland, oo ka cabanaya magac dil iyo raaf joogto ah.

7/11/2021 8:46 AM EST
Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ku guulaystay aqlabiyad wayn oo uu ka helay doorashooyinka dalkaasi, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka dalkaasi.

7/11/2021 8:18 AM EST
Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

7/11/2021 7:25 AM EST
Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Mudaaharaadyo waa weyn oo rabshado wata ayaa ka bilaawday magaalada Johannesburg iyo deegaanada ku teedsan ee dalkaasi Koofur Afrika.

7/11/2021 6:05 AM EST
Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa guul weyn ka gaaray tartankii doorashooyinka dalka Itoobiya oo si rasmi ah loo shaaciyay natiijada doorashooyinkii dhacay.

7/11/2021 2:10 AM EST
Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Ciyaaryahanka caanka ah ee u ciyaaro kooxda Barcelona ee ka dhisan wadanka Spain, una dhashay Argentina ee Lionel Messi ayaa markisii ugu horeysay xulka wadankiisa kula guuleystay koob caalami ah kadib 16 sano oo uu u ciyaarayay.

7/11/2021 1:59 AM EST
Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Waxaa markale soo ifbaxay khilaaf siyaasadeedka oo u dhaxeeya guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi iyo Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, kadib markii xubnaha kala taageersana labada masuul ay si gooni gooni ah u kal doorteen guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen matalaya guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

7/11/2021 1:39 AM EST
Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Xulka qaranka Argentina ayaa ku guuleysatay koobka wadamada ku yaallo Koonfurta Ameerika ee loo yaqaano Copa America, 28 sano ah ka dib markii daqiiqadii 22-naad ee qeybtii hore ee ciyaarta, gool u dhaliyay Angel Di Maria uu siiyay natiijada 1-0 ah iney kaga badiyaan Xulka Brazil oo gurigooda lagu dheelaayay.

7/11/2021 1:18 AM EST
Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Maleyshiyo hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa xalay saqdii dhexe dad Shacab ah ku laayay duleedka deegaanka Saax-qurun oo dhacda galbeedka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.