4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 9 , 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble'' Waxeynu go'aansanay in la guda-galo doorashada

 

Sabti, Janaayo, 09, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ugu danbeyntii xukuumadu go'aansatay in la guda-galo doorashada, kaddib markii uu kulan la qaatay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xukuumaddu muddo dheerba ku howlaneyd sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ka jira doorashada iyadoo baaqyo kala duwan loo diray dhinacyada ay quseyso, hasse ahaatee ugu danbeyntii go'aansadeen in doorashada la guda-galo lagana bilaabo xarumaha dowlad gobolleedyada diyaarka u ah qabashada doorashada.

“Marar badan ayaa ku celcelinay in ay albaabadaydu u furan yihiin cid walba oo tabasho qabta, aanna diyaar u ahay had iyo jeer inaan tixgeliyo aragtiyada kala duwan ee la xiriira fulinta heshiiskii doorashooyinka iyo habraacyadii lagu heshiiyay.”

Ra'iisal Wasaaraha ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku noqon kara fulinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020, kaas oo aasaas u ah qabsoomida doorashooyinka iyo si ambaqaadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Hadalka ka soo yeeray xukuumadda ayaa imanaya xili wali dhinacyada Puntland, Jubbaland iyo waliba Midowga Musharixiinta dood ka qabaan doorashada iyaga oo dalabnaya in la saxo qaladaadka jira ka hor inta aan doorashada la aadin,

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]