4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 9 , 2021
Ciidanka DANAB oo burburiyay gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa

 

Sabti, Janaayo, 09 2021 (HOL) - howlgal qorsheysan oo ay gobolka Sabeellaha Hoose ka fuliyeen ciidanka DANAB ee dowladda Soomaaliya ayeey ku sheegeen in ay ku burburiyeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Taliyaha guutada 16aad ee ciidanka howlgalka fuliyay oo lagu magacaabo Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in gaarigan la burburiyay ee walxaha qarxa ku rarnaayeen Al-shabaab doonayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka.

Howlgalkan oo gaar ahaan laga sameeyay deegaanka lagu magacaabo Tooratooroow ayuu sheegay in taliyaha in ay helleen warka ku saabsan in Al-shabaab diyaarinayaan gaarigan kaddibna ciidamadu bilaabeen in ay baadigoobaan iyaga oo u suurtagashay markii danbe in ay burburiyaan.

Marka laga soo taggo sheegashada dowladda ee ah in ay ka hortageen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay haddana ma jiraan cadeymo ama sawirro muujinaya burburinta gaarigan.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo Al-shabaab ay ka soo saareen howlgalkan ciidamada dowladda ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]