3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 8 , 2021
Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray magaalada Muqdisho

 

Jimco, Janaayo, 08, 2021 (HOL)-  Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa gaaray magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay xilkan 11 bishii November, 2020.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa lagu wadaa in looga yeeray Muqdisho isaga oo kulamo la qaadan doona madaxda ugu sarreysa dalka.

Maamulka Hirshabeelle tan iyo wixii ka danbeeyay markii la doortay madaxda ugu sarreysa waxaa uu wajahayaa xaalad adag kaddib markii ay ka soo horjeesteen bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan oo ku tilmaamay dhismaha maamulka mid aan laga fiirsan.

Madaxda dowladda federaalka iyo Guudlaawe ayaa lagu wadaa in ay ka wadahadlaan xaalada gobolka Hiiraan iyo kacdoonka ka dhan ah maamulka ee ka jira magaalada Beledweyne.

Qarramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in loo baahan yahay dib-u-heshiisiin iyo dib loo eego tabashada bulshada gobolka Hiiraan ee ka dhanka ah maamulkan Hirshabeelle.

Sidoo kale Cali Guudllaawe ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadllaan madaxda ugu sarreysay dalka arrimaha doorashooyinka iyo ka qeybgalka shir la filayo in looga wadahadlo qabadaha ku gadaaman doorashada.

Mas'uuliyiinta ku soo dhaweysay garoonka waxaa ka mid ah duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish iyo madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   













Click here
1/8/2021 8:27 AM EST
Jimco, Janaayo, 08, 2021 (HOL)- Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in lacag dhan 1.5 Million doolar ku bixineyso la dagaalanka Ayaxa faraha ba'an ku haya wadamo ka mid ah Geeska Africa oo Soomaaliyana ay ku jirto.

1/8/2021 1:56 AM EST
Jimco, Janaayo, 08, 2021 (HOL)- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo isku muujinaya qof aan waxba kala socon weerarkii ka dhacay dhismaha Capitol Hill Koongarreeska Mareykanka aya weerar afka ah ku qaaday dadkii rabshadahaasi ka danbeeyay,

1/8/2021 1:39 AM EST
Jimco, Janaayo, 08, 2021 (HOL)- Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa war ay soo saareen ku sheegay in duqeyn 7 bishan oo ku beegneyd maalintii shalay ka fuliyeen saaxa-weyn oo ka tirsan gobolka Baay ku dileen saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab