3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 7 , 2021
Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar saf ballaaran ah ku qaadeen degmada.

Sida dad goobjoogayaal ah warbaahinta u sheegeen xoogagga Ururka Al-shabaab weerar ilaa saddex jiho ah ku soo qaadeen gudaha degmada iyadoo halkaa uu iska horimaad culus ku dhaxmaray xoogagga weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka xalay ka dhacay degmada Afgooye iyo wax war ah oo ka soo baxay laamaha nabad-galyada..

Xaaladda ayaa  degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada xoogga dalka oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay magaalada Afgooye iyo duleedka.

Afgooye ayaa u muuqata bartilmaameedka Al-shabaab ee weerarrada gobolka Shabeellaha Hoose iyaga oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale weerarro is xig xigay ku qaaday fariisimaha ciidamada dowladda ee degmada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  













Click here
1/7/2021 1:14 PM EST
Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) - Shirka Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya oo maanta oo Khamiis ah ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu qaadacay ansixinta ilaa 12 safiir oo ay soo gudbisay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

1/7/2021 9:04 AM EST
Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Cadde ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood xili ay soo dhowaatey waqtigii diiwaan gelinta codaynta Doorashada.

1/7/2021 5:04 AM EST
Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) - Kongareeska Mareykanka ayaa ugu danbeyntii ansixiyay in Joe Biden yahay madaxweynaha dalka Mareykanka halka Kamala Harris ay noqoneysa madaxweyne ku-xigeenka dalka.

1/7/2021 4:25 AM EST
Khamiis, Janaayo, 07, 2021 (HOL) - Hal qof ayaa ku dhintay saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii subaxnimadii hore ee saakay la bartilmaameedsaday gaari ay lahaayeen ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo marayay waddada KM4 ee degmada Hodan.

1/7/2021 4:14 AM EST
Khamiis, Janaayo, 07 2021 (HOL) - Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in ay ka murugaysan tahay geerida 19-jir magangalyo-doon Soomaali ah oo ku sugnaa magaalada Tripoli ee dalka Libya ka dib markii laga soo saaray cusbitaalka dhammaadkii Diseembar.

1/7/2021 12:26 AM EST
Khamiis, Janaayo, 07 2021 (HOL) - Qaraxan oo siweyn jugtiisa looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay KM4, gaar ahaan Waddada hormarta madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan

1/7/2021 12:06 AM EST
Khamiis, Janaayo, 07 2021 (HOL) - Haweeney ayaa lagu warramayaa in ay u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray toogasho loo geystay kaddib markii taageerayaasha madaxweyne Donald Trump weerar ku qaadeen xarunta Capitol Hill.