3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2021
Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday askari katirsan ciidanka koonfur galbeed
 

Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - Askari katirsan ciiddanka booliiska koonfur galbeed ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu helay inuu dilay qof shacab ah sanadkan.

Maxkamad Milateri oo fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqday Cismaan Ibraahim Cabdi oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in lagu helay dilka Axmed Madnuur Mursal oo uu ku dilay magaalada Baydhabo bishaan gudaheeda.

Garsooraha maxkamadda Aadan Maxamed ayaa sheegay in maxkamaddu ay caddeysey in Cismaan uu mas'uul ka ahaa geerida marxuumka oo uu ku dilay suuq ku yaal magaalada Baydhabo.

Maxkamada ciidamada ayaa horay xukunno dil ah ugu riday askar katirsan ciiddanka dowladda oo dil u geystay dad shacab ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/23/2021 1:53 PM EST
Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) -Larry King, oo ahaa wariye caan ah oo muddo dheer ka soo shaqeynayay TV ga CNN ayaa ku dhintay da'da 87 sano kaddib markii uu haleelay cudurka dunida faraha ba'an ku haya ee Covid 19.

1/23/2021 12:35 PM EST
Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa lagu waramayaa in ay dib ula wareegeen degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

1/23/2021 12:25 PM EST
Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - .Iyadoo ay sii kordhayaan qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qeybo kala duwan oo dalka ah ayaa lagu eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay dayacyada wax ka qabashada Amniga guud ee dalka.

1/23/2021 7:59 AM EST
Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka bilayska gobolka Mudug ee Puntland gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in hal askari iyo qof shacab ah ay geeriyoodeen halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo lala eegtay ciidamada amniga Gaalkacyo.

1/23/2021 2:39 AM EST
Sabti, Janaayo, 23 2021 (HOL) - Qaraxan ayaa la eegtay gaari ay la socdeen mas'uuliyiin hore oo marayay degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

1/23/2021 2:02 AM EST
Sabti, Janaayo, 23 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab subaxniamadii hore ee saakay weerar culus ku qaadeen deegaanka Raage Ceelle.

1/23/2021 12:39 AM EST
Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ka fekeraysa jihada cusub ee ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (AMISOM), kuwaas toban sano kadib wajaheya mustaqbal aan la hubin iyadoo ay Soomaaliya weli ka jirto xasillooni la'aan.

1/23/2021 12:04 AM EST
Sabti, Janaayo, 23, 2021 (HOL) - Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay in ay mar kaliya dileen ugu yaraan 189 dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab weerar ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen.