3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2021
Dowaladda Vietnam oo sheegtay in ay xoojineyso taageerrada Soomaaliya

 

Jimco, Janaayo, 22, 2021 (HOL) - Dowaladda Vietnam ayaa sheegtay in ay taageerayso geedi socodka dimuqraadiyada Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka soo socda in ay ku dhacaan si nabad ah oo heshiis ay ku yihiin dhammaan dhinacyada Soomaaliya.

Nguyen Phuong Tra, Kuxigeenka Wakiilka Joogtada ee Vietnam ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xukuumadooda ay qorsheysay in dadaalka loogu jiro Soomaaliya oo nabad ah ay doorkooda ka qaataan.

Wadahadalkii aan rasmiga aheyn ee dhex maray Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (UNSC) iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq bishan  Janaayo 20,  Nguyen Phuong Tra waxaa ay muujisay rajadeeda ah in Dowlada Federaalka Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah iyo xisbiyada siyaasada ay dadaal dheeri ah ku bixin doonaan sidii loo gaari lahaa is afgarad siyaasadeed oo gaar ah, taariikhda la qabanayo doorashooyinka iyo sidoo kale xal u raadinta caqabadaha jira.

Waxey cambaareysay Qaraxii ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoos  iyo sidoo kale weerarro kale oo lala beegsaday dadka rayidka ah, ciidamada amniga iyo kuwa millatariga, iyo xarumaha UN-ka iyo Afrika Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM .

Waxey sheegtay in mar walba ay u taaggan yihiin  taageerada dadaalka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo horumarka, iyadoo dhanka kale ka codsatay bulshada caalamka in ay ka caawiso Soomaaliya sidii ay ku gaari lahayd himilooyinkeeda iyada oo ku saleysan ixtiraamka sharciga caalamiga iyo iyo madaxbannaanida dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    















Click here
1/22/2021 12:27 PM EST
Jimco, Janaayo, 22, 2021 (HOL) - Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday maanta alle ha u naxariisteen Ganacsade Cabdi Xoosh Ashkir oo ka mid ahaa ganacsatada siweyn looga garanayo gayiga Soomaaliya.

1/22/2021 10:09 AM EST
Jimco, Janaayo, 22, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye si cad u sheegtay in madaxweyne Farmaajo yahay madaxweynaha kaliya ee isaga oo aan muddo xileedkiisa dhameysan ay caddahay in mar kale dib loo dooranayo.

1/22/2021 6:52 AM EST
Jimco, Janaayo, 22 2021 (HOL) - Waxaa soconaya dadaallo la doonayo in xal kama danbeys ah looga gaaro muranka doorashada iyadoo mudo xilkeedka dowladda hadda jirta ay ka harsan tahay wax ka yar 20 cisho.

1/22/2021 12:41 AM EST
Jimco, Janaayo, 22, 2021 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay in ciidamo Soomaali ah ka barbar dagaalameen ciidanka difaaca Qaranka Itoobiya ee dagaalka la galay xoogagga Tigrayga.