3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 21, 2021
Weerar lagu qaaday kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda ee gobolka Gedo

 

Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar dhabo gal ah ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidanka ayaa waxaa hoggaaminayay sarkaal lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Daa'uud oo la sheegay in uu weerarka ku dhaawacmay.

War ka soo baxay maamulka gobolka Gedo ayaa lagu sheegay in ciidanka weerarka lagu qaaday ee dowladda Soomaaliya is difaaceen, islamarkaana khasaare gaarsiiyeen kooxihii weerarka ku soo qaaday.

Weerarada lagu qaado gaadiidka mas'uuliyiinta iyo ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku soo badanayay qeybo ka mid ah gobollada Koonfurta Soomaaliya, waxaana mas'uuliyada weerarradan sheegta xoogagga Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    














Click here
1/21/2021 12:03 PM EST
Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) - Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta lugu dhigay saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka guddoomiyihii degmada Hodan oo xalay waqti danbe lagu dilay degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

1/21/2021 7:58 AM EST
Khamiis, Janaayo, 21 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa si adag uga hadlay dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

1/21/2021 7:37 AM EST
Khamiis, Janaayo, 21 2021 (HOL) - Wakiilada beesha caalamkan ayaa maanta kulan khadka internetka kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni, iyagoo ka wada hadlay xal u helida caqabadaha doorashooyinka.

1/21/2021 6:12 AM EST
Khamiis, Janaayo, 21 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta soo saartay go’aan lagu mamnuucayo lacagaha shilin Soomaaliga ee la isaga kala safriyo gobolada Puntland, waxaana lagasoo saaray awaamiir laamaha amniga lagu farayo in talaabo laga qaado ciddii lagu helo.

1/21/2021 2:45 AM EST
Khamiis, Janaayo, 21 2021 (HOL) - Waxaa soconaya baaritaan la xiriira dil xalay saqdii dhexe degmada Hodan ee gobolka Banaadir loogu geystay guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun.

1/21/2021 12:06 AM EST
Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) -Warar ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay wariyayaasha kala ah Maxamed Cabdiwali Tooxoow iyo Cabdullaahi Warsame Rooble oo labaduba ka howlgal deegaannada Galmudug.

1/21/2021 12:05 AM EST
Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) - Joe Biden madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka ee maalintii shalay xafiiska loo dhaariyay ayaa xalay soo saaray go'aamo waaweyn oo uu ku laalayo tallaabooyin uu horay u qaaday madaxweynihii ka horeeyay ee Donald Trump.

1/21/2021 12:02 AM EST
Khamiis, Janaayo, 21, 2021 (HOL) - Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun ayaa xalay saqdii dhexe lagu dilay magaalada Muqdisho kaddib rasaas ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku fureen gaari uu la socday.