3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 20, 2021
Guddiga Arrimaha Dibada Baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal u diray madaxweyne Farmaajo

 

Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Guddiga Arrimada Dibadda Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal ku saabsan ciidamadii tababarka loo geeyay dalka Eritrea waxaa ay u gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka loo diray madaxweynaha ayaa looga dalbaday inu u cadeeyo ciidamada tobabarka loo geeyay dalka Eritrea iyo xiliga ay ku soo laabanayaan dalka, maadama eheladii dhalinyaradaas ay muujinayaan walaac ku aadan xaaladooda caafimaad.

Warka ku saabsan ciidamada Soomaaliyeed ee ka qeybqaatay dagaalkii dhaxmaray ciidanka Difaaca Itoobiya iyo Tigrayga ayaa hadal heyn badan ka dhax abuurtay bulshada Soomaaliyeed, waxaana warka arintan ku saabsan la oran karaa waa qoddobka ugu weyn ee xiligan saameynta ku leh siyaasada  dalka marka laga soo tago doorashada.

Qoraalka ayaa lagu codsaday in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro dalka Eritrea  si ay u xaqiijiyaan nolosha askartaas, kuwaasi oo ka kooban xubno dowladda federaalka iyo Golaha shacabka.

Qoraalka ayaa imanaya xili sidoo kale midowga musharixiinta ka dalbadeen madaxweyne Farmaajo in uu faah faahin rasmi ah ka bixiyo warka ku saabsan gaarida dhalinyarrada Soomaaliyeed iyo dareenka ay qabaan waalidiin badan oo arintan ka walwalsan. 

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Guddiga

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    

 


















Click here
1/20/2021 8:45 AM EST
Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Golaha midowga murashixiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu si dhab ah uga hadlo xaaladda ay ku sugan yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday Eritrea iyo wararka sheegaya in qaar kamid ah ay ku dhinteen dagaalada Ethiopia ka socday.

1/20/2021 8:06 AM EST
Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

1/20/2021 6:02 AM EST
Arbaco, Janaayo, 20 2021 (HOL) - Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax magaalada Muqdisho lagula eegtay gaariga guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Cariif.

1/20/2021 5:45 AM EST
Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Cali Jeyte Cismaan guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay dilal la xariira aanoyin qabiil oo maalmahii lasoo dhaafay kusoo badanayay wadada xariirisa magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

1/20/2021 5:30 AM EST
Arbaco, Janaayo, 20 2021 (HOL) - Taliye ku xigeenkii hore ee Sirdoonka Soomaaliya ayaa ku baaqay baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo warka ku saabsan in dhalinyarro Soomaaliyeed laga qeybgaliyay dagaalkii Waqooyiga Itoobiya intooda badanna halkaa lagu dilay.

1/20/2021 4:13 AM EST
Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn ciidanka Mareykanka ay ka fuliyeen saacadihii la soo dhaafay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

1/20/2021 3:46 AM EST
Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Ururada siyaasada Puntland ayaa walaac xoogan ka muujiyay kalsoonida hay’addaha garsoorka Puntland iyo dhaqmid la’aanta dastuurka, xilli ay Puntland isku diyaarinayso in ay u guurto nidaamka xisbiyada badan ee dimuqraadiyada ku salaysan.

1/20/2021 3:18 AM EST
Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Munaasabad lagu daahfurayay mashruuc Midowga Yurub uu maalgeliyay oo ku saabsan Kalluumeysiga iyo xoolaha ayaa saaka ka dhacay Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

1/20/2021 12:18 AM EST
Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Maanta ayaa lagu wadaa in uu xafiiska si rasmi ah ula wareego madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joseph Robinette Biden Jr.

1/20/2021 12:08 AM EST
Arbaco, Janaayo, 20, 2021 (HOL) - Kaddib howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay kula wareegeen deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose kuwaa oo markii hore gacanta ugu jira xoogagga Ururka Al-shabaab