4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 19, 2021
Africom '' Duqeyn ayeeynu ka dilnay hoggaamiyayaal ka tirsan Al-shabaab

 

Talaado, Janaayo, 19, 2021  (HOL) - War Qoraal ah oo goor dhaw ka soo baxay Taliska howlgalka Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay hoggaamiyayaal caan ah oo ka tirsan Al-shabaab.

Duqeynta ah oo gaar ahaan ay ka fuliyeen diyaaradaha Mareykanka deegaannada kala ah Jammaame iyo Deb Scinnele ayeey sheegeen in ay ku dileen hoggaamiyayaal caan ah oo Al-shabaab u qaabilsanaa dhinaca dhinaca Miinooyinka, tababarada iyo waliba weerarrada, laakiin ma aysan sheegin tirada hoggaamiyayaashan sida ay sheegeen lagu dilay duqeynta.

Arrintan ayeey ku tilmaameen mid carqalad ku ah awood Al-shabaab in ay sii joogteeyaan weerarrada ay geysteen, Ma jiro wax war ah oo dhinaca Al-shabaab ay ka soo saareen duqeyntan Africom ay sheegeen in ay ku dileen hoggaamiyayaasha.

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]