4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 18, 2021
Somaliland oo soo dhaweysay hadal ka soo yeeray safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya

 

Isniin, Janaayo, 18, 2021 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda Arrrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faroontoon ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeeray safiirkii hore Mareykanka u joogay Soomaaliya Stephen M. Schwartz  kaasoo sheegay in la joogo waqtigii uu Mareykanka ka furan lahaa qunsuliyad Somaliland.

Safiirka ayaa u muuqday mid dowladda Mareykanka culeys ku saaraya in marka ay u soo jeesato Somaliland oo sida uu hadalka u dhigay u qalanta in madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden uu si gaar ah u eego.

Wasiirka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan hadalka safiirka oo sida uu hadalka u dhigay ah mid sax ah '' Isaga oo yiri safiirku si wanaagsan ayuu u hadlay waxa jirana wuu sheegay annaga dhankeena waan soo dhaweyneynaa''

“Dabcan, Amb. Stephen M. Schwartz, wuxuu si cad oo qiimo leh u sheegay isla markaana qiray in dalkeenu yahay dal deggan oo xasiloon, oo la isku helayn karo, heerka aynu maraynana waxaynu ku gaarnay dadaalkeena, Juhdigeena iyo wax qabadkeena” ayuu sii raacsiiyey hadalkiisa Wasiir Yaasiin Xaaji Faratoon.

Ugu danbeyntii ayuu sheegay  in Somaliland ay ka go’an tahay in ay si wado dadaalkeeda ku aadan raadinta ictiraafka ay dooneyso, si ay uga go’odo Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]