4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 13, 2021
Akhriso Magacyada dadkii shacabka ahaa ee maanta lagu laayay gobolka Galgaduud
 

Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) - Deegaanka Xirsi Lugeey oo ah deegaan hoostaga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud oo maanta lagu dilay dad shacab ah kadib markii maleeshiyaad hubeysan aay weerar ku qaadeen dadka shacabka ee lagu laayay deegaanka Xirsi Lugeey.

Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa lagu dilay weerarkaasi waxaana dhaawac uu kasoo gaaray laba kale oo dhaawacoodu lageeyay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dadka shacabka ah ee lagu dilay weerarka oo aay Shabakadda HOL heshay magacyadooda ayaa kala ah.

Cabdiyare Maxamed Ow Faarax

Cali Dheere Xirsi Cawaale

Gaarane Cawil Samatar

Cadawe Xersi lugeey      

Cabdi Xersi Carab Kaahiye

Dadkaan la laayey ayaa wararka hoose ee la helaayo waxay sheegayaan iney la xiriirto dilkooda aanooyin qabiil.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaas oo lasoo gaarsiiyay qaar ka mid ah dadkii kusoo dhaawacmay weerarkan dadka shacabka ah lagu laayay.

Waxaa weerarkaan dadka lagu dilay ka tacsiyeeyay madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug iyo Xildhibaan Mahad Salaad kuwaas oo ku baaqay in deg deg loo soo qabto dadkii ka dambeyay weerarka dadka shacabka ah lagu laayay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]